Hambalyo Madaxweyne, Hantida Qaranka ee aad Soo Celisay. W/Q:-Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Timacade)

0
Thursday May 07, 2020 - 09:26:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Madaxweyne, Hantida Qaranka ee aad Soo Celisay. W/Q:-Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Timacade)

    Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Timacade)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Timacade)

Marka hore waxaan si guud ugu hambalyeynayaa uguna mahadnaqayaa, Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, hantida qaranka ee muga leh ee kala duwan ee uu kusoo celiyey gacanta qaranka, taasi oo shaqsiyaad gaara u gacan gashay, isla markaasina, qaranku aad iyo aad ugu baahi qabay in dib loogu soo celiyo.

 

Marka xigta waxaan halkan si gaara Madaxweynaha ugu bogaadinayaa go'aankiisii dhawaan uu kusoo celiyey, hudheelkii qaranka ee soo-jireenka ahaa ee Hargeisa Club, oo marka laga yimaado taariikhdiisa gaarka ah iyo baahida dawladu u qabtay inay caasimada ku lahaato hotel u gaara oo ay ku qabsato danaheeda dawladnimo ka sakow, wakhti xaadirkan qaranku baahi kasii balaadhan u qabay in dib loogu soo celiyo.

 

Mudane Madaxweyne waan kugu hambalyeynaynaa inaad xiligii loogu baahida badnaa qaranka usoo celisid hotelka Hargeisa Club, waxaanu noqonayaa hanti qaran oo xukuumadu kaga maaranto inay u baryo tagto hotelada gaarka loo leeyahay ee caasimada, iyadoo isla markaana wakhti xaadirkan aad loogu baahan yahay in si degdega loo dhamaystiro wixii agab iyo dhisme ah ee uu qabyo ka yahay, si hadii qaranku u baahdo loogu isticmaali karo, mashaqadan Covid19 ee dunida aafaysay.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha waxan usoo jeedin lahaa in muwaadiniintii maalgashanaysay ee hada qaranku kala wareegay, sida ugu haboon loogu celiyey wixii kharash iyo dhaqaale ka galay, isla markaasina loogu bedelo mashruucan ay maalgashanayeen, wixii mashruuc ama jaanis maalgashi ah ee xukuumadu u heli karayso muwaadiniintan hotelka maalgashanaayey, si ay ugu noqoto cawil-naq xitaa haba koobnaatee.

 

Sidoo kale waxaan kala dardaarmayaa, muwaadiniintii maalgashanaysay ee hotelka hore loo siiyey ee xukuumadu kala noqotay, taasi oo aan leeyahay, hantida qaranka ee hore la idiin siiyey in aad maalgashataan hadii ay timi xaalad kaliftay in la idinkala noqdo oo qaranku u baahday, maaha in aad si kale u aragtaan, qaladna ka fahantaan, waayo hantida gaarka ah ee muwaadinka ayaa hadii ay timaado xaalad kalifaysa in qaranku kala wareego ay waajib tahay in lagala wareego, markaas waxan idiin soo jeedinayaa in aydaan waxba warbaahinta hadalo xanafle marinine aad si milgaha dhaqankeena suuban iyo sharciga qaranka u yaal waafaqsan arintan u martaan kuna dhamaysataan xalinteeda.

 

 

 

Alla Mahad leh

Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Timacade)

Hargeysa/Somaliland


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...