Boqor Buurmadaw Oo Digniin Udiray Xukuumada Somaliland

0
Thursday May 07, 2020 - 09:14:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 6304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Buurmadaw Oo Digniin Udiray Xukuumada Somaliland

    Waxa qoray Boqor Cismaan Buurmadow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa qoray Boqor Cismaan Buurmadow

Hargaysa (HWN) Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) oo kamid ah oday dhaqameedka Miisaanka ku leh Somaliland ayaa sheegay inay ka beel ahaan hirgelinayaan heshiiskii beeshiisu la gaadhay beesha kale ee Habaryoonis.





Sidoo kale waxa uu Boqor Buurmadaw digniin udiray Xukuumada uu Hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi, waxaanu Boqorku sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-

 

Waxa qoray Boqor Cismaan Buurmadow

 

السلامعليكم ورحمت الله وبركاته

Marka hore waxaan tacsi udirayaa dhamaan Dadkii ehelka ahaa ee kudhintay fadhigaab Iyo intii ku dhaawacantay eheladii ay kabaxeen, Waxaan leeyahay samir iyo iimaan.

Runtii waan ladaahnay tacsida aniga oo xanuunsanaayey awgeed, waxaan cidwalba ucadaynayaa dhamaan beelaha aan odayaashooda nahay waxaa naga go’aan ah Arinta fadhigaab inaanu kudhamayno dariiqii Aanu kusoo afjarnay colaadii dabada dheerayd Ee boho iyo idarays mana ogolaan doono

CID abaabusha wax colaad ah.

 

 waxaanu umada soomaaliland ucadaynaynaa inaanu fulindoono Dhamaan qodobadii shirkii burco ee ay ku heshiiyeen garxajis iyo habarjeclo, waxaan Cidwalba ucadaynayaa arintan waxaan kaga wakiil ahay dhamaan beelaha biciide iyo guud ahaanba beelaha habarjeclo.

 

Waxaanu islaqaadanay Beesha Axmed Faarax Biciide maanta laga bilaabo inay latalo tahay Beelaha biciide iyo guud ahaan habarjeclo.

 

Waxaan baraha bulshada ku arkaayey Dhalinyaro ukala abtirinaysa beelaha habarjeclo Arinkaas raaligelin baanu kabixinaynaa.

 

Waxaan kale oo aan qurbajooga kuwargelinayaa inay ka dheeraadan abaabulka colaada nabadana nagala shaqeeyaan.


Beelaha soomaaliland waxaanu kuwargelinaynaa dhamaantood inay nagala shaqeeyaan nabadgelyada beelaha walaalaha ah


Xukuumada waxaanu ugadigaynaa inayku kacdo go’aamo dhaawacikara qaranimada iyo wadajirka soomaaliland marwalba waxaanu diyaar unahay wado kasta oo loomaraayo Ilaalinta qaranimada iyo isutanaasulka

 

Wabilaahi tawfiiq

Loading...
Loading...