Madaxweynaha somaliland oo Ciidanka Qaranka ka tacsiyadeeyey Geerida gashaanle sare Cumar Aw Maxamed Dhako-finish

0
Wednesday May 06, 2020 - 22:01:04 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 2568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha somaliland oo Ciidanka Qaranka ka tacsiyadeeyey Geerida gashaanle sare Cumar Aw Maxamed Dhako-finish

    Madaxweynaha somaliland oo Ciidanka Qaranka ka tacsiyadeeyey Geerida gashaanle sare Marxuum Cumar Aw Maxamed Xasan (Dhako-finish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha somaliland oo Ciidanka Qaranka ka tacsiyadeeyey Geerida gashaanle sare Marxuum Cumar Aw Maxamed Xasan (Dhako-finish

Hargaysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidanka Qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mujaahid gashaanle sare Marxuum Cumar Aw Maxamed Xasan (Dhako-finish) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 06/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.



Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid weyn oo kaalin muhiima ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo galay, kana mid ahaa saraakiishii qaybta ka qaatay dhismaha ciidanka qaranka Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...