Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 13aad

0
Wednesday May 06, 2020 - 18:33:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 13aad

    Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

Saxaabadii Rasuulku CSW barbaariyey dhaqankoodii wuxuu ahaa in ay qofka ku qiimeeyaan salaadda, qofka ka tagana aanay xayn-daabka Islaamnimo ku soo dari jirin.



Fahanno kala duwan oo laga soosaaray hab’adeegsiga xadiiskan ayaa culimo badani ku kala tageen, culimada qaar waxa ay soo guuriyeen hadalkii Taabicigii Suhri ee ahaa, "Gaalnimada laga hadlayaa maaha tii waynayd ee waa gaalnimo ka sokeysa gaalnimada weyn.”


Hadalkaa waxa ku tagay culimo badan oo hore iyo dambe ba lahaa. Hase ahaatee culimada ganafka ku dhufatay hadalkaa ayaa iyaguna leh, "Xadiiska in laga fahmo qofka salaadda ka tagaa in uu gaal yahay waa fahamkii Saxaabada, Taabiciintii waaweynayd, Imaam Suhri na waa Taabiciintii yaraa (oo wuxuu ka mid ahaa taabiciintii dambe oo ma soo gaadhin Saxaabada waawaynayd badankooda) markaa fahamka lagu midaysan yahay aynnu ku tagno.”


Aayado badan ayaa ku soo degay qiimaha iyo abaalcelinta Alle SWT qofka ooga salaadda u leeyahay. Ugu horrayn Alle SWT wuxu yidhi, "Salaaddu waxay u tahay Muminiinta wakhti go’an." Maaha jaanta rogan in aad ka dhigto xilligii aad doontaba aad tukato, se waa wakhti la jaan goyey oogisteedu.


Rasuulka CSW oo bushaaro nololeed ku iftiminaya oogsiteedu na wuxu yidhi, "Salaadaha shanta ah iyo jimce ilaa jimce lagu gaadho, waxa ay tirtiraan dambiyada yaryar haddii aan lagu darin dambi weyn.” Xaqiiqdii iska daa in aad ajar ka heshide adigii baa lagu leeyahay dambiyadii kale ee kaa dhacayey na way masaxaysaa.


Salaadda oogisteeda marka aynnu ka hadlayno waxa ay leedahay Shuruudo, Arkaan iyo Waajibyaal haddii mid ka mid ah aad ka tagto salaaddada inay xagga Alle SWT u gudubto laga baqo qabo. Rasuulka CSW wuxu yidhi, ”Qof lixdan sannadood tukanayey ayaa iman doona isaga oo aan hal salaad laga aqbalin.” Waa yaabe, lixdan sannadoodna wuu tukaneyey salaad kaliyana lagama aqbalin waa maxay tallow? Inta aynnu kor ku soo sheegnay unbuu khaldayey.


Rasuulka CSW oo misaajidkiisii xagga dambe fadhiya ayaa nin soo tukaday salaamay, inta uu salaantii ka qaaday ayuu u raaciyey, "tuko maad tukane.” Ninkii inta uu degdeg u noqday ayuu haddana soo tukaday Rasuulkuna CSW intii uunbuu ku celiyey. Mar saddexaadkii ayuu ku yidhi, "Rasuul Allow intaa in ka badan garan maayee maxaan sameeyaa?” Ninkaas intaa aynnu kor ku soo sheegnee Shuruud, Arkaan iyo Waajibyo ah uunbuu khaldayey.Markaa ansixidda salaaddada waxa kow ka ah in aad barato wixi salaaddadu ku ansax noqonaysay.


Shuruudda Salaadda waxa ka mid ah:

§  Islaamnimo (gaalka salaadda waxa uga horraysa in uu Ilaahay SWT rumeeyo)

§   Dahaara-qab (haweenayduna ka dahaara qabto dhigga cadada, dhabar furanka iyo dhiigga dhalmada ka dambeeya)

§  Gaadhista wakhtiga salaadda

§  Miirqab

§  Qaan-gaadhnimo

§  Waysa-qabnimo

§  Jihaada oo aad u jedsato


Arkaanta Salaadda waxa ka mid ah:

§  Takbirta (inaad Salaadda Allaahu Akbar ku xidhato)

§  Akhrinta fataxada

§  Rukuucda iyo inaad ku xasisho

§  Ka soo toosidda rukuucda iyo in aad ku xasisho

§  Sujuudda iyo in aad ku xasisho

§  Marka aad ka soo toosdo sujuudda in aad ku xasisho

§  Fadhiga dambe .


Sida oo kale salaadaha; Jimcaha, Ciidda, qorrax ama dayax madoobaadka, roob-doonta, jinaasada, iyo musaafirku waxa ay leeyhiin qaab gooni ah oo loo tukado, qaabkaa oo ka sugnaday Rasuulka CSW in uu u tukaday.

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

 

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

 

Email: [email protected]

 

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

 

SheekhRakuub.wordpress.com

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...