Mujaahid Xasan Guure Oo Farriimo Isbarkan U Diray Kornayl Muuse Biixi
Hargaysa(HWN):-Mujaahid Xasan Guure oo ka mida Odayaasha miisaanka leh ee Madasha wada-tashiga Somaliland

Hargaysa(HWN):-Mujaahid Xasan Guure oo ka mida Odayaasha miisaanka leh ee Madasha wada-tashiga Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u soo jeeddiyay innuu ummadda reer Somaliland middeeyo, isla markaanna Afkaarta iyo kala duwanaanshaha maanta muuqda uu talo urursan ka yeesho.
Mujaahid Xasan Guure Jaamac waxa uu ka hadlay Doodda Salaaddiinta ee ah ka qayb-galka Wada-hadallada Soomaalilaand iyo Soomaaliya, waxaannu sheegay arrin qof ama kooxi wadato inaanay bulshaddu maanta dhagaysanayn, balse waxa uu soo jeeddiyay Talo midaysan laga yeesho arrimaha taagan, waxaannu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyay Telefishanka SAAB TV.
"Cidkastoo Xanuunkaas ku dhimatay guud ahaan aaddamaha oo dhan waan ka tacsiyadaynayaa, gaar ahaan caalamka islaamka intii ku dhimatay waan ka tacsiyaddaynayaa si gaara waxaan Tacsiddaa ugu dirayaa ummadda soomaaliyeed, wixii u jiifanna Illaahay baan Caafimaad u waydiinayaa. Xanuunkani adduunkii wuu kala xidhay, waxaa joogsadday Diyaarihii oo dhaqaale badani ku xidhnaa oo Shaqaale badani u shaqaynaayay. Innaga (Somaliland), wax badan oo innagaga xidhani oo diyaaraddahaasi innoo keennaan ma jirto, markay u badato qof dalxiis ah iyo xooggaa dadkeenna dibadda ka soo laabannaaya ayay soo qaaddi jirtay, dadkaas waxaan ka codsanayaa inaanay Haddiyad innooga dhigin Xanuunkaas COVID19. Xukuumaddana waxaan ka codsanayaa oo horenna looga codsadday waxaan odhan lahaa kolay intii badnayd timiye wixii danbe uun hala dabaqabateeyo."
"Waxa jirta Mushkuladda Jaadka oo hadda taagan, Ingiriiskii iyo Siyaad Barre-ba way u taag-waayeen, oo Xuduud dheer baynu leennahay, awood badana ma lihin, laakiin in gaadhigii Sharci sita iyo wixii saarran ba la buufiyo oo dhinaca Ethiopia-na laga codsado inay buufiyaan waan ka codsan lahaa Xukuumadda" Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure.
Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Maalmahan-ba waxa jirtay Dood dhinacyo badan leh oo Xubno ka mida Salaaddiinta Somaliland ay ku dooddayaan in laga qayb-geliyo Wada-hadallada Soomaalilaand iyo Soomaaliya, oo ay horboodayaan qolyo kale oo leh bal aan mar kale midnimaddii eegno, taasi mar danbe dhici mayso weliba sidii Lixdankii oo kale umma dhacayso, berrigii Lixdankii ninka yidhaahda waar aan u yar kaaddino Xabad baa lagu dhufannaayay, 1991-kiina ninka yidhaahda goosashadda aan u yar kaaddino Xabad baa lagu dhufannaayay, horta maanta jibaddaasi ma jirto. Qolyaha leh aan wada-hadalno waa sax waan qabaa in la wada-hadlo, oo horeba Xukuumaddeenii hore ayaa Wada-hadalka furtay, laakiin kala duwanaanshaha soo baxayaa waxay astaan u tahay midnimo la'aanta siyaasaddeed ee bulshaddeena, ma jiro Xisbi cid u maqan oo la sugayaa, ma jiro Suldaan cid u maqan oo la sugayaa, waxa la sheegaayay in Madaxweynaha laftiisu markii uu Addis abab joogay uu soo ogolaaday innuu Madaxweyne Farmaajo uu Hargeisa yimaaddo, laakiin markii uu halkan yimid ee uu darreenkii shacabka arkay ayuu ka noqday, markaa waxaan u sheegayaa Nin intuu arrin soo qaato bulshadda u keennayaa ma jiro hadduu Suldaan yahay, hadduu Caaqil yahay, hadduu Madaxweyne yahay iyo hadduu xitaa Anigaygan (Xasan Guure) yahay, taas waa la ogyahay ee Ninna yuu ku daallin." Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure
"Dekedda berbera ilaa maantaddaa wax lagu heshiiyay garan-mayno, qolyihii laga ansixiyay ee Baarlamaanka haddaad waydiiso garan-maayaan wixii laga ansixiyay, waxa loo keennay Warqad la yidhi waa la soo koobay. Saddexdii Wasiir ee Baarlamaanka hor-tagay ayaa middiba wax gooniya ku hadlay, waa heshiis oo dhan, mayee waa la soo koobay, maahee mid baa loogu noqonayaa middiba meel gooniya ayuu ka hadlay, haddana Alle ha asturree Baarlamaankeennu wixii ay Odayaashu damcaan way iska Ansixiyaan. Soomaalidu inay wada-hadashaa waa daw, laakiin Madaxweyne waxa loo baahan yahay wixii lagu wada-hadlaayo inay noqdaan wax golaha la keennay oo laga wada arrinsadday, waxa lagu kala tagaayanna waa in la isla ogyahay, ummadduna waxay u baahan tahay arrin la wada leeyahay, sida kaliya ee wax ku suuro-galayaanna waa in la iswaydiiyo talo loo dhan yahay oo ummaddu wada leeddahay." Ayuu yidhi Xasan Guure
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...