Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale: Xil ka badan madoobaynta gadhka iyo Hargeysa Club ayaa kuu yaalla...W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
Wednesday May 06, 2020 - 11:41:56 in Articles by
  • Visits: 1986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale: Xil ka badan madoobaynta gadhka iyo Hargeysa Club ayaa kuu yaalla...W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale: Xil ka badan madoobaynta gadhka iyo Hargeysa Club ayaa kuu yaalla...W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale: Xil ka badan madoobaynta gadhka iyo Hargeysa Club ayaa kuu yaalla...W/Q Siciid Maxamuud Gahayr


Sawirka gadhka cas iyo gadhka madoobiba waa Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah madax-dhaqameedka Sanaag. Google ayaad labadaba ka heli kartaan, waana masuulka laga qaaday Hargeysa Club oo ay maalgashadeen isaga iyo Jaamac-Karaaciin, balse ah hanti qaranku leeyahay. Heshiiska lagu siiyayna waa mid ay xukuumadihii hore saxeexeen. Waa madaxa ugu sarreeya dhaqan ahaan mid ka mid ah labada dhinac ee colaaddu ku dhex martay Fadhigaab/Garadag/Sanaag.

Image may contain: one or more people, beard and text


Waraysi uu Suldaan Yuusuf Ducaale maanta siiyay BulshoTV waxa uu ka mid ahaa weedhihiisa "Madaxweynahu dhul boob ayuu wadaa isagu ha iska bilaabo oo ha soo celiyo hantida iyo dhulka uu boobayo ee uu ku fooganyey goor iyo ayaan... Weligii subax qudha muu shaqaysan dibad xoolo kama soo tabcan maantana waa taajir Ee xoolaha xagguu ka keenay?”

.

Waxa uu ciidanka booliska ku eedeeyay inay fidiyeen warar isku diray beelaha Fadhigaab ku dagaallamaya. Waxa uu ku baaqay inay wefdiga xukuumaddu ka baxaan Sanaag ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo uu ku timaamay inaanay dhex ka ahayn deminta shaqaaqada. Inay ciidanka Somaliland isku daawadeen shacab is-dilaya ayaa tiraabtiisa ku jirtay. Faallada kowaad ka eeg waraysiga oo dhan sagaal daqiiqo iyo saddex konton il-bidhiqsi.


Marka laga yimaaddo doodda Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, waxa aanu joognay Sanaag 2018kii, waxaana nabad ku baaqay beesha Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale. Badhasaabka Gobolka Md Tiimbaro oo aanu warkaas la soo hadal-qaadnay, annaga oo ku faraxsan goaanka san, ayaa nagu yidhi "Ninkaas Suldaanka ah ee nabadda ku baaqaya markaan ku dhaho ‘Mee gacan-ku-dhiiglihi?’. Waxa uu odhanayaa "Guddoomiye dee magta ayuun baa la kala qaadan jiray”. Hawl ayaa noo taalla. Markaas maxay nabaddi ku dhalanaysaa?”.


Marar dhexe waxa la faafiyay codad ah isaga oo hurinaya colaadda Ceelafweyn oo leh "faafiya haddaad doontaan”. Gole beeleed oo WhatsApp ah ayuu ka hadlayay. Imakana waxa la ii sheegayay in uu yidhi "Guddoomiyaha Gobolku ha ka baxo Sanaag”. Waa ninka laga sugayo in uu xalliyo colaadda Fadhigaab ka dhacday dhawaan.


Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale waxa saaran xil ka culus hudheelka Hargeysa Club ee dawladdu lahayd, ee ay la noqotay. Cid kasta oo hanti ummadeedna xisaab ifka ah ama aakhiro ah baa sugaysa. In hantida ummadda la soo celiyo cid kasta oo haysataba waan taageersanahay. Keliya in Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale loo qiimeeyo waxa ka galay isaga iyo saamileyda ayaa ila habboon.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...