Raysal Wasaarayaasha Itoobiya Iyo Suudaan Oo Guddi U Magacaabaya Xiisad Ka taagan Xadka U Dhaxeeya

0
Wednesday May 06, 2020 - 11:36:46 in News by
  • Visits: 1540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaarayaasha Itoobiya Iyo Suudaan Oo Guddi U Magacaabaya Xiisad Ka taagan Xadka U Dhaxeeya

    Raysal Wasaarayaasha Itoobiya Iyo Suudaan Oo Guddi U Magacaabaya Xiisad Ka taagan Xadka U Dhaxeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaarayaasha Itoobiya Iyo Suudaan Oo Guddi U Magacaabaya Xiisad Ka taagan Xadka U Dhaxeeya


Addis Ababa(HWN):-Xiisad u dhaxeysay dowladaha dariska ah ee Sudan iyo Itoobiya ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay ka taagneyd xadka labada dal wadaagaan, kadib markii ciidamada Itoobiya weerar ku qaadeen bar ay joogaan ciidamada Sudan.


Weerarka ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen ciidanka Sudan oo dhacay dhamaadka bishii hore ee April ayaa waxaa ku dhintay askari u dhashay dalka Sudan halka ay ku dhaawacmeen sadex askari oo kale.




Xiisada u dhaxysa Wadamada sudan iyo Itoobiya ayaa ka dhashay weerarka ka dhacay Xadka, waxaana dowlada sudan si kulul u cambaareesay weerarkaasi iyagoona ugu baaqay in ciidamada Itoobiya ka baxaan dhulka Fashaga.


Ra’iisal wasaaraha Suudaan Abdallah Hamdok iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa khadka teleefoonka kaga wada hadleen xiisadda labada dal u dhaxeysa ee ka taagan dhinaca xadka.


Warbaahinta Qaranka Sudan ayaa baahisay in labada hogaamiye isku raaceen inay guddi dhamaystiran u xilsaaran xalinta xiisadda ka taagan xudduuda labada dal wadaagana si looga fogaado isku dhac kale.

Loading...
Loading...