Somaliland: Maxkamadaha Oo Xukun-Qar-qoosh U Adeegsadda Dadka Qaadka Lagu Soo Qabto
Hargaysa(HWN):-Maxkamadaha goboladda Somaliland ayaa maalmahan si weyn ugu hawlan xukunno kala duwan oo isugu jira xabsi, ganaax lacageed iyo la wareegid baabuur dadka lagu soo qabto iyagoo Qaadka soo gelinaya magaalooyinka.
Iyadoo arrintaasi ka socotay maxkamadaha dalka tan iyo wixii ka danbeeyay markii Somaliland laga hakiyay Qaadka uga yimaadda Itoobiya.
Taasoo khasaare isugu jira Dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeedba ay ka dhasheen marka qarsoodi lagu soo gelinayo magaalooyinka.
Waxaanay maanta maxkamadda gobolka Maroodijeex waxay xukuno kala duwan ku riday 12 eedaysane oo la sheegay in ay si sharci darro ah Qaad u soo gelinayeen magaaladda Hargaysa.
Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaana maanta yeelatay laba fadhi oo kala duwan oo si furan loogu dhegaystay dacwadda 12-ka qof ee eedaysaneyaasha ahaa.
Eedaysaneyaashaasi ayaa lagu riday xukunno isugu jiray 2 sanadood iyo laba sanno iyo badh xabsi ah iyo ganaxyo lacageed.
Ku-x-geenka xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda gobolka Maroodijeex garyaqaan C/fataax Yuusuf C/laahi (Shan-daqiiqo), ayaa ka warbixiyay kiisaska loo haysto eedaysaneyaashaasi, tiradoodda iyo xukunnada lagu riday.
Waxaanu yidhi, "Todobadaa nin iyo gaadiidkii ay wateen waxaanu ku soo eedaynay in ay Qaad soo gelinayeen magaaladda. Waxay isugu jiraan 6 nin iyo hal gabadh ah. Wax ay isaga difaacaan eedaha, maxkamadda may hor keenin.
Waxaanay badankoodu maxkamadda ka hor cadeeyeen qiraal. Kuwii aan qiraal keeni-na maxkamadda horteedda may keenin wax ay eedaha loo haysto isaga dul qaadaan.