Somaliland Oo Xeryo Lagu Karantimeeyo U Samaynaysa Dadka Xuduuda Itoobiya Uga Talaaba Si Ay U Soo Qayilaan.
Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa wali dagaal kula jirto in kootarabaan lagu soo galiyo jaadka ka yimaada dalka Itoobiya oo xayiraado adag la saaray.
Masuuliyiin ka tirsan xukuumada somaliland oo maanta gubay jaad tiro badan oo magaalada Hargeysa ku soo galay qaab kootarabaan ah ayaa shaaciyey hab cusub oo lagula dhaqmayo dadka xuduuda Itoobiya u talaaba si ay u soo qayilaan.
Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed oo maanta ka hadlayey xarunta taliska ciidanka Booliska oo lagu gubayey Jaad la soo qabtay ayaa shaaciyey dad uu sheegay inay xuduuda uga talaabaan si ay u soo qayilaan.
Gudoomiye Jaamac ayaa sheegay in hadii ay dadkaasi joojin waayaan inay xuduuda ka talaabaan ay xukuumadu samayn doonto xeryo lagu karantimeeyo mudada caafimaadkooda laga hubinayo, waxaanu yidhi "Waxa ayaamahan jirtay in dad badani u qayilaad tagayeen xadka anaga oo arkaynay gaadiid badan oo sii socda, hadii ay dadkaasi umada ka xishoon waayaan ninka doonaya inuu xadka ku soo qayilo oo jaadku halkaas ugu tago waxaanu samayn doonaa xeryo lagu karantimeeyo dadka xuduudaha ka talaaba oo halkaas lagu hayo.”