Dirirka Cawleed. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

0
Wednesday May 06, 2020 - 10:14:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dirirka Cawleed. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

    Xiliga Deyrta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiliga Deyrta


Soomalidu waxay leedahay xiliyo afar ah oo laba xili eebe weyne raxmadiisa roobka aynu helno iyo laba kale oo sida eebe looga bartay aan roob la helin, waqtiyadaas oo kale ah deyr, xagaa, jiilaal iyo gu'.

Gabaygan xaajigu wuxu ugu magac daray xili kamid ah xiliyada kaltirsiga soomalida kaas oo ah xiliga deyrta.

BILAHA SOOMALIDA

Sidoo kale soomalidu waxay leedahay bilo 12 ah kaas oo ay kamid yihiin bilo la yidhaahdo dirir, waana kuwan bilihii soomalida:

·           Seermawaydo

·          Cawl

·              Dirir sagaala

·             Samalaho

·              Karan

·              Waranweer

·              Dambarsame

·              Dayr halalood

·              Dayr gudban

·              Todob

·              Xays

·            Diraac

GODADKA DAYAXA EE SOOMALIDA

Sidoo kale waxa jira oo ay soomalidu taqaan 28 god oo dayaxu maro kaas oo kala gala afarta xili ee waqtiga sida: gu'ga, deyrta, jiilaalka iyo xagaaga.

Godadkaa uu dayaxu maro sanada oo dhan ayaa u qaybsan afarta xili hadaba dirirka ayaa wuxu kamid yahay 7 god ee dayaxu maro xiliga deyrta kuwaas oo iyaga laftooda dirir ama daalalley loo yiqiin waxaanay kala yihiin:

 

 

Xiliga Deyrta

Dirir

·       Dirir galaal

·       Dirir garbood

·       Dirir gudban

·       Libacas

·       Xoor cad

·       Madhan

·       Mareego dheer.

Xiliga Gu’ga:

Faraaci:

·       Godan

·       Lisan

·       Laxo

·       Laxmar

·       Aagaali waran

·       Aagaali caanood

·       Afogaal

 

Xiliyada Jiilaalka:

 Cirir

·       Faruur cirir

·       Jadkabaal

·       Jad barbaar

·       Jad cuur

·       Jad dhiriqle

·       Darangato

·       Foocaar

Xiliyada Xagaaga:

Naafo

·       Naaf madoobe

·       Naaf cade

·       Koxdin far

·       Koxdin mijin

·       Koxdin cawo

·       Naaso gaalo

·       Dirir galaal.

 

Xaaji aadan axmed afqalooc wuxu gabaygan dirirka cawleed tirshay taariikhdu markay ku beegnayd 1968, gabaygan wuxu kamid yahay suugaanta sarbeebta ah ee xaajiga. Waa kala dareen marka gabaygu uurxumo ama arin aad ka gami weydo darteed kaaga soo baxo iyo marka aad si dareen la'aana wax u cabirayso waa siduu sheegay alle ha u naxariistee abwaankii weynaa ee gobta ahaa cali xuseen xirsi cali "makaadsade" isagoo tilmaamaya in gabaygu dareen adag ama uurxumo ama jacayl inu mid uun kaaga soo baxo hadii intaa midna kaaga soo bixiyo-waayo wuxu abwaanku ku sheegay in aanay tixahaagu macaankii loo baahnaa aanay yeelanaynin dadkuna aanay si fudud dhegaha kuugu raaricinaynin waa kii lahaa:

            Hadaan gabayga uurkoo bukiyo arami kaa keennin

            Amase olol jacayl iyo xanuun  kugu igbaaraynin

            Afkuun baad ka leedahee tixuhu arar ma yeeshaane.

gabayga xaajigu waa dareen togan oo uu soomali uga hawaalo waramayo ama hoga tusayo, sidoo kalena u duurxulayo gedgeddoonka waayaha iyo in aan ladnaanta iyo xumaanta midkoodna lagu waarin oo adduunku yahay "hadhkaa labadiisa gelin", loona baahan yahay taas in lagu xisaabtamo.

Ararta gabayga ayuu xaajigu soo banbixinayaa muuqaalo aan lagu farxin kuwaas oo ah iyadoo dirirkii cawleed da'ay dunida eebe balaadhshayna ay xareedu wadhantahay in doogii soo baxay aanay xooluhu cunin, in deegaanka noocaas ah dulin hoose looga daadegay, wuxu xaajigu tilmaamayaa in deegaanka sidaa u quruxda badan dadku ku dhibqabo isagoo sarbeebaya in dawladnimadii iyo calankii la helay aan maanta lagu doogsan oo laga qaaday diilalyo, sidoo kale xaajigu wuxu sarbeebayaa in waqtiga aan laysku halayn Karin ka maanta sabool ahi inu beri hodan noqon doono kii darayada waayuhu daashadeena inu ka soo doogi doono, isagoo tusaale u soo qaatay dur-durka soconayaba inu waqti go'o oo ceel la fuuqsaday noqdo  halka laas madhnaa uu haro-dilaaco waxaanu yidhi xaajigu:

            Hadduu dirirka cawleed da'oo dunida maansheeyo

            Deegaanta Guban lagama cuno doogga soo baxa'e

            Dulin iyo kul buu leeyahaan loogu daadegine

            Markase daalalladu soo dhacdee diilalyadu joogto

            Dooxooyinkaa laga tagaa dhaxan daraaddeede

            Debec iyo ninkii ida leh bay dani ku reebtaaye

            Dabaylaha xagaagii dhiciyo dhaxanta dayrtii ah

            Midba guriga gees baa dugsi ah labada daamoode

            Dadkuna waa sidaas oo Ilaah daa'imaa mid ahe

            Ninkastoo daruuraha u baxa dabinna waw yaalle

             Dawlaab shaqeeyaa jiraan qolana deyneyne

            Durdurku waa gudhaa laasna waa hara-dillaacaaye

            Dagaag xoola yeesha jiroo hodanna deegaaye

            Dameer waa ordaa farasna waa yara dekaamaaye

            Haddii seeftu duug tahay mindidu waa ku digataaye

            Kolka doqonku taliyaa nin raga daw-galkiis galaye

 

Loading...
Loading...