Ex. Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Kala Hadlay Safiirka Ingiriiska Ujooga Somaliya

0
Wednesday May 06, 2020 - 09:23:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Kala Hadlay Safiirka Ingiriiska Ujooga Somaliya

    Qoraal uu soo saaray Sheekh Sharaiif ayuu ku sheegay inay ka wada hadleen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal uu soo saaray Sheekh Sharaiif ayuu ku sheegay inay ka wada hadleen


Muqdisho (HWN) – Madaxweynihii hore ee dowladoo Ku Meel Gaadhka  aheyd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyey wadahadal dhanka khadka taleefanka ah oo uu la yeeshay safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya Amb Ben Fender.

 

Qoraal uu soo saaray Sheekh Sharaiif  ayuu ku sheegay inay ka wada hadleen diyaar garowga doorashada 2020/2021, la tacaalista Covid-19, xidhiidhka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland, qoraalka uu seekh shariif baahiyay ayaa isagoo dhamaystiran udhignaa sidan:-

 

Waxaan khadka teleefanka ku wada hadalnay maanta safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender.

 

waxaan ka hadalney diyaar garowga doorashada qaranka, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland.

 

Sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo soo biloowday xilligii aan xafiiska joogay maantana hakad kujira ayaan isla soo qaadney.

 

Ugu dambeyntii waxaan isla garannay abuurista jawi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka kaliya ee lagu gaari karo hanaan doorasho oo xor ah.


Loading...
Loading...