"Muuse Biixi Hantidii Shacabka Ayuu Boobayaa, Anigana Igama Qaadi Karo Hudheelka Hargeysa Club"…Suldaan Siciid Yuusuf

0
Tuesday May 05, 2020 - 23:09:08 in News by
  • Visits: 4345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Hantidii Shacabka Ayuu Boobayaa, Anigana Igama Qaadi Karo Hudheelka Hargeysa Club"…Suldaan Siciid Yuusuf

    "Muuse Biixi Hantidii Shacabka Ayuu Boobayaa, Anigana Igama Qaadi Karo Hudheelka Hargeysa Club"…Suldaan Siciid Yuusuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Biixi Hantidii Shacabka Ayuu Boobayaa, Anigana Igama Qaadi Karo Hudheelka Hargeysa Club"…Suldaan Siciid Yuusuf


Hargeysa(HWN):-Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah madax dhaqameedka beelaha bariga Burco ayaa ka hadlay talaabadii ay xukuumadu kaga qaaday Hudheelka Hargeysa Club oo uu maalgashi ku samaynayey.




Suldaan Siciid ayaa faah faahin ka bixiyey mawqifka uu ka taagan yahay talaabada ay xukuumadu kaga qaaday hudheelkii uu maalgashiga ku samaynayey isaga oo eedaymo culusna dusha u saaray hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu la lumay taladii loo doortay.

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale aynu Horumar U Jeedsano Reer ...

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ugu horayn ka hadlaya hudheelka Hargeysa Club ee ay dawladu kala wareegtay ayaa waxa uu yidhi "ilaa intii uu madaxweyne Muuse Biixi uu kursiga fuulay waa markii shanaad ee uu ciidan milatari ah keeno hudheelka Hargeysa Club aniga oo sifo sharci ah oo digreetooyin madaxweyne ku qaatay hudheelkaas markaas waa hunguri iyo dhul boob uu madaxweynuhu qabo, mar walbana warqad layma soo diro, dhismaha jooji layma yidhaa balse waxa I gala afar qabaal oo ciidanku wataan maalintii dhawaydna anigu maan joogin, hudheelkana sifo sharci ah ayaan ku qaatay oo digreeto madaxweyne ayaan ku qaatay haday dawladu la laabanayso meelo laga soo galo ayuu leeyahay iyo qodobo ay dawladu kula laaban karto.”


Suldaan Siciid ayaa sheegay in Muuse Biixi xoog ku boobayo hantida shacabka waxaanu xusay inaanu la noqon Karin hudheelka uu maalgashanayowaxaanu yidhi "Muuse Biixi dhul boobka uu wado iyo dhaca uu wado iyo xooga uu ku boobayo xoolaha umada isaga oo iska dhaga tiraya waxa uu yidhi waxaan kula laabtay digreeto, laakiin lama laaban karo oo qayrul sharci, maalgashi debadeed ayaanu samaynay oo aniga iyo saaxiibkayga aanu wada maalgelinayno hudheelka ee Jaamac Karaaciin waxaanu nahay muwaadiniin Ingiriis ah oo wax xidhiidh ah nalama soo samayn oo waxba nalooma sheegin oo sidii guluf uu dhacayo ayey ciidan keeneen ninka haysta hawl gelinta booliska iyo ninka haysta RRU-da ee Ina Axmed Tiir, maalintii dambe ee lala wareegayeyna wasiirka hawlaha guud iyo jananka guud ee vciidanka qaranka ayaa gacanta ku dhigay .”ayuu yidhi Suldaan Siciid oo u waramay Bulshotv.


Sidoo kale waxa uu sheegay inaanu marna aqbalayn inuu u hogaansamo talaabada ay xukuumadu kula wareegtay Hudheelka uu maalgashanayey ee Hargeysa Club "Waa boog, waa gardaro, waa xumaan, waa burburin somaliland la burburinayo, waa sharcigii oo gacnta lagu qaadanayo, waa somaliland oo madaxweynihii dalka loo doortay intuu dalka hogaankiisii la lumay oo la habaabay uu hantidii boobayo sharcigiina gacanta ku qaadanayo, sharciga ayaanu ka taaganahay looyaro dibadeed ayaanu qabsanaynaa oo dawladaha aanu sharcigooda sidano ayaanu la xidhiidhaynaa kumana dhici karo oo wax xidhiidh ah aniga iyo jaamac cidi nala samaysay muu jirin , Muuse Biixin wuu tagayaa hudheelkuna meesha ayuu ahaan doonaa, labadii sanadood ee ina dhaafay waxa sadex boqol iyo kontonkun oo doolar oo khasaare ah ayaa dhismihii la dumiyey ku dhacay oo aanu cadaynteedii haynaa.”


Suldaan Siciid Yuusuf ayaa ku dooday inaanu la baabiin Karin digreetooyinkii madaxweyne ee uu kula wareegay hudheelka Hargeysa Club waxaanu yidhi "Digreeto madaxweyneyaal wixii lagu saxeexay layskama laali karo lamana boobi karo hantidii uu dadku lahaa, sidii aynu Siyaad Bare ka soo gaadhay ee xoolaha loola wareegi jiray ee guluf colaadeed iyo ciidankii dawlada oo la isticmaalayo ayaa umadii lagu boobayaa aniga oo kaliyana maahee waad ogtahay in beerihii socday, oo dhulkii socday oo baloodhadii socday oo meel walba uu risqi iyo cunto uu ka dayayo, waxaanan ku cadaynayaa boobkiisa waxa kow ka ah dhulka uu boobay ee uu yidhi waa madaxtooyada, baloodhada dadka lagu qabsanayo ayaa ku jira, haamihii dadka ee heshiiska lagu ahaa hadana la qaatay ayaa ka mid ah.”


Suldaan Siciid ayaa ganafka ku dhuftay in Muuse Biixi uu ku taageero in gacanta dawlada lagu soo celiyo hantidii ka baxday taas badalkeedana waxa uu sheegay in madaxweynaha somaliland boobayo hantidii shacabka "Waxa ii muuqata inuu boobayo hantidii dawlada ka maqnayd isagu waa inuu soo celiyaa beeraha uu qaatay guryaha badan ee uu isku furtay, waxaanay ahayd in kuwa uu isagu gacanta ku hayo ee uu boobay soo celiyo, maalina muu dhoofin maalina kama shaqaysan hadana waa milyaneer ee xaguu ka keenay lacagta.”

 

 

Loading...
Loading...