Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Tirada Dadka Uu Ku Dhacay Xanuunka Covid-19 Oo Kun Qof Ku Dhaw
Muqdisho(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. @Fawziya Abikar Nur ayaa maanta bulshada gaarsiisay sidii caadada ahayd xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19.
Wasiirka ayaa 24kii saac ee ugu danbeesay xaqiijisay 79 xaaladood cusub oo COVID-19 ah.
38 xaaladood ayaa laga helay Gobolka Banaadir, 22 xaaladood ayaa laga helay Maamulka Jubbaland, 11 xaaladood ayaa laga helay Maamulka Koonfur Galbeed, 8 xaaladoodna Puntland. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 835 xaaladood, waxaa geeriyooday 3 bukaan, waxaana bogsaday 14 bukaan.
Wasiirka ayaa bulshada ku boorisay in ay muujiyaan taxadar dheeri ah maadama uu caabuqa kusii baahayo bulshada dhaxdeeda iyo in taxadar gaar ah lasiiyo dadka da’da ah iyo dadka la nool cudurada raaga.