Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Oo Ka Baxay Heshiis Uu Macalimiinta La Gaadhay, 180 Bare Oo Shirar Hoose Ku Hawlan Iyo Khilaaf Soo Baxaya.

0
Tuesday May 05, 2020 - 17:51:00 in News by
  • Visits: 2082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Oo Ka Baxay Heshiis Uu Macalimiinta La Gaadhay, 180 Bare Oo Shirar Hoose Ku Hawlan Iyo Khilaaf Soo Baxaya.

    Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Oo Ka Baxay Heshiis Uu Macalimiinta La Gaadhay, 180 Bare Oo Shirar Hoose Ku Hawlan Iyo Khilaaf Soo Baxaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Oo Ka Baxay Heshiis Uu Macalimiinta La Gaadhay, 180 Bare Oo Shirar Hoose Ku Hawlan Iyo Khilaaf Soo Baxaya.


Hargeysa(HWN):-Maaamulka jaamacada Hargeysa ayaa ka baxay heshiis u dhaxeeyey macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaasi oo ay wada gaadheen sanadkii 2018.


Gudoomiye Maxamuud Yuusuf Muuse oo marar hore ka baxay heshiis ay wada gaadheen macalimiinta isla markaana ku guulaystay inuu barayaasha ka jaro mushaharkoodii bilaha ahaa iyo qaar uu ka jaray kala badh mushaharka ay qaataan ayaa haatan samaynayaa isku daygii ugu adkaa oo kacdoon ku keeni kara.




Heshiiskan oo ay wax ka ogaayeen wasaarada waxbarashada, guddida tacliinta sare iyo madaxtooyada somaliland ayaa dhigaya in macalimiinta wax ka dhiga kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Hargeysa mushaharkooda la kala siiyo laba jeer, iyada oo semester-ka hore la siinayo mushaharka afar bilood iyo badh halka Semester-ka 2aad la siinayo afar bilood iyo badh, iyada oo guddida sare ee jaamacaduna(Senate) ay ansixiyeen heshiiskaasi.


Gudoomiyaha jaamacada Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse ayaa haatan ku kacay talaabo uu kaga horyimid heshiiskaas isla markaana uu mushaharkii ka jaray macalimiinta jaamacada, kuwaas oo ilaa bishii hore ee April casharada ku bixinayey qaab online ah, balse gudoomiyaha ayaa amray in macalimiinta laga jaro mushaharkooda bisha April taas oo u cuntami wayday macalimiinta isla markaana ay ilaa hada ka tashanayaan go’aankii ay ka qaadan lahaayeen.


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gudoomiyaha jaamacadu uu qorshaynayo in bisha May ee hada bilawga ahna macalimiinta laga jaro kala badh mushaharkii ay qaadan jireen isaga oo taageerana ka helaya gudoomiye ku xigeenkiisa maaliyada Maxamed Cali Dhuux iyo xisaabiyaha jaamacada Cigaal halka gudoomiye ku xigeenkana aanu waxba la socodsiin isla markaana uu kala wareegay awoodihii ka dib markii hor dhigay caqabado badan.


Wararka Hadhwanaagnews soo gaadhaya ayaa sheegaya in macalimiin gaadhaysa 180 ay ka tashanayaan go’aankii ay qaadan lahaayeen isla markaana uu wada tashi u socdo, halka gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse uu haatan ku mashquulsan yahay dejinta qorshayaal ka dhan ah macalimiinta jaamacada oo haatan khilaafkoodu debada u soo baxay halka ay hore-na isku seegeen xigeenkiisa Dr. Siciid Jibriil kaas oo aanay ilaa hada u dhaxayn wada shaqayntii tooska ahayd ee looga baahnaa iyada oo gudoomiyuhu uu isku koobay guud ahaanba awoodihii maamul ee jaamacada.


Sidoo kale gudoomiyaha jaamacada Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse ayaa mudadii uu hayey maamulka jaamacada waxa uu mushaharka kordhistay 46% halka macalimiinta jaamacadu ay wali ku hawl galaan mushaharkii loogu bilaabay markii jaamacada la furay sanadkii 2000 isla markaana aan hal mar loo kordhin mushaharkooda marka laga reebo hal mar oo tiro kooban oo macalimiinta ah uu Dr. Bulxan wakhtigiisii amray in loo kordhiyo, macalimiinta ayaana wakhtigan wajahaya cashuur laga jarayo mushaharkooda oo markii hore-ba koobnaa taas oo ay xukuumadu ku soo rogtay.


Gudoomiye Maxamuud Yuusuf Muuse ayaa mudadii uu hayey xilkaasi waxa uu iska indho tiray muhiimada ay macalimiintu u leeyihiin jaamacada, isaga oo meesha ka saaray in la siiyo mushahar ku filan iyo daryeelka kale ee ay u baahan yihiin, iyada oo khilaafkooduna soo jiitamayey sanadadii ugu dambeeyey.


Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa iyo ku xigeenadiisa oo wakhtigii ay guddida sare ee jaamacadu u igmadeen inay hogaamiyaan maamulka Jaamacada uu dhamaaday sanadkii 2018 ayaa u muuqda inay wali ku sii taagan yihiin qorsheyaasha ka dhanka ah macalimiinta wax ka dhiga jaamacada oo markii hore-ba dhib badan ka tirsanayey.


Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa sida uu u fulo qorshaha gudoomiye Maxamuud ee halista ku ah macalimiinta wax ka dhiga jaamacada Hargeysa iyo talaabooyinka ay qaadaan macalimiintu marka uu u soo dhamaado shirka wadda tashiga ah ee u socdaa.

Loading...
Loading...