Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 12aad

0
Tuesday May 05, 2020 - 10:09:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 12aad

    Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

Erayga Salaad luuqaad ahaan waa duco, dhanka shareecadu adeegsatana waa cibaado khaas ah oo Alle SWT addoomihiisa amray inay sameeyaan. Salaaddu waa tiirka labaad ee tiirarka Islaamku ku taagan yahay. Waana tiirka kali ah ee AlleSWT soo waajibiyey isaga oo ergaygiisu uu dunida sare la jooga.




Sida ka sugan ergaygii Alle, maalinka qiyaamaha waxa ugu horreeya ee la iska xisaabinayaa waa salaadda, haddii qofka salaaddiisu u hagaagto waxa u hagaagaya camalkiisii kale oo dhan, se haddii ay ka xumaato salaaddu qofkaasi khasaare ayuu ku sugan yahay. Sidaa awgeed salaaddu waa tiir ka culus soonka.


Salaaddu qofka ooga waxa ay u keenta xasiloonni iyo degenaan, taas oo haddii uu markiisii hore ahaa mid qalafsanaan u dhashay ka dhigaysa mid ka miirta dabeecaddiisii adkayd.


Salaaddu waxa ay qofka ka hurguftaa xumaha iyo joogtayna caasinnimada. Alle SWT wuxu yidhi, "Salaaddu qofka waxa ay ka reebta dambiga iyo macsida.” Qofkii intaa iska waaya waxa khaldan qaabka uu u oogo salaadda ee haysku noqdo. Muhiimku waa in qofku ogaado in salaaddu ka hor joogsanayso qofka xumaha oo dhan, taasna qofku waxa uu helayaa marka uu arkaanteedii la yimaaddo, sida oo kale Alle SWT ka cabsiga badiyo.


Kolka laga hadlayo salaadda: arrinka ugu mugga weyn ee lagu kala garto qofka iyo diintiisa, ergeygii Alle waxa uu yidhi, "Annaga iyo gaalada waxa noo dhaxaysa salaadda, qofkii ka tagaana waa gaaloobay.” Xadiiskaasi wuxuu si cad u qeexayaa dhanka lagu tirinayo qofka taariku-salaadka ah.


Saxaabadii Rasuulku CSW barbaariyey dhaqankoodii wuxuu ahaa in ay qofka ku qiimeeyaan salaadda, qofka ka tagana aanay xayn-daabka Islaamnimo ku soo dari jirin.

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

 

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

 

Email: [email protected]

 

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

 

SheekhRakuub.wordpress.com

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...