Ujeedada Digniin Wasaarada Caafimaadka Somaliland Udirtay Maamulada Cisbitaalada Dawlada.

0
Tuesday May 05, 2020 - 09:33:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Digniin Wasaarada Caafimaadka Somaliland Udirtay Maamulada Cisbitaalada Dawlada.

    "talaagada Maydka looma isticmaali karo wax lacag ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"talaagada Maydka looma isticmaali karo wax lacag ah"


Hargaysa (HWN) Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Maamulada Cisbitaalada dawladda uga digtay in ay lacag qadaan maydka lagu rido tagaalada qaboojiyaha .

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Wasaaradda ayaa sheegay in aan la ogolayn in lacag laga qado Maydka ku jira qaybta qaboojiyaha ee maydka lagu rido .

 

"talaagada Maydka looma isticmaali karo wax lacag ah ee ay tahay lacag la’aan wixii ku baxaaya ay bixinayso wasaaradda horumarinta Caafimaadka , lacaga laga qadaayo qofku ma jirto , hadday hore u dhacdayna waa khalad” ayuu yidhi

Hadalka agaasimaha ayaa yimid kadib markii maamulka cisbitaalka Guud ee Burco ay lacag ku xidheen Maydka haweenay  Roob ku dumiyay.

Taas oo ehelada marxuumada dhimatay ay warbaahinta usheegeen in cisbitaalka Burco lacagta uu ku xidhay in laga bixiyo talaagada Maydka aanay qoys ahaan haysan, lana siiyo maydka gabadhooda si ay u aastaan

 

Hadhwanaagnews


Loading...
Loading...