Halkuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Muuse Biixi Iyo Habareclo. Faallo

0
Tuesday May 05, 2020 - 09:22:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Muuse Biixi Iyo Habareclo. Faallo

    Qormaddan Hadhwanaagnews idiin diyaarisay hadaad si fiican u akhriddo waxbadan baad fahmeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormaddan Hadhwanaagnews idiin diyaarisay hadaad si fiican u akhriddo waxbadan baad fahmeysa.

Boqor buurmaddow waxu ku yidhi. Hadaad bariis rabto. Kaaley gurigeyga Ka qadee.

 

Muuse Biixi

• Markuu Garxajiska dhowr jeer ku casumey Qasriga Madaxtoyadda. Ayuu boqorku ku yidhi Habajecloba dadkii bari kugu soo dhoweyey wey ku jirtee iyaga maxaad u casumi weydey. Jawaabtiisu waxey noqotey. Hadaad bariis rabto kaaley guriga igala qadee.

 

• Habeen dhoweyd Mohamoud Hashi wuu u yeedhey. Waxu ku yidhi ma anaad ii jabhadeyneysaan. Walaahi tuugyahow. Waxaad dhacdey oo dalkan ka sameysey waad ogtahee. Intaan badhitaan ku galiyo oo ku qaawiyo ayaan xabsi waliba ku dhigayaa.

 

Xogo lagu kalsoonyahey waxey sheegeen ina Xaashi in aanu iska celin ee uu hogtey. Iskana aamusey. Ilaa maalintaas ilaa maantana gurigiisa isku xidhey.

 

• Suldaan Siciid Iyo Jamac Karaciin waxu yidhi sidey ku wadda qaadan karaan HOTELKA HARGRISA CLUB. Waakaas Ka qaadey

 

• ilma Faarax Xarbi waxuu yidhi ma yeelan karaan Marsadda  Raasiga Berbera. Wuu Ka qaadey. Uma qalmaan buy yidhi

 

H-jeclo meel walba iney dalka boobto ayay rabtaa. Iyagoo lacagtey dalka ka boobeen iyo awoodii Siilaanyo ku boobey waa siduu muuse aaminsan yahay.

 

• Dahabshiil Waxu ku yidhi shidaalka makeeni kartid. dashabshiil-na waxu ku yidhi sowniga Haamaha Shidaalka Sameystey ee ka ganacsadda Shidaalka sidey macquul kutahey. In aanan shidaal keenin.

 

Waxu ugu Jawaabey (ADEER KU KAADI) Haamahu Berbera ayay ku yaalan markii horaad meel khaldan Ka dhisatey. Qarankaana leh. Waa waxaad ku rabto inaad qaadato  wershedda Sibidhka

 

• Wershadda Sibidhku  waxu yidhi Beesha Subeer awal ganacsataddu ha dhisato Dahabshiil inuu share-ka u weyn qaato macaquul maaha.

 

Waxa intaas oo dhan dheer dagaalka uu kaga qaadey dhamaan mashariicdda H-jeclo gacanta ku heysey ee xukumaddii Siilaanyo siisey.

 

QODOBKA KALE

 

• Xisbigii isagana inuu wareejiyo hadalkiisa daa. Afcadd buu yidhi Kulmiye danbe oo Hjeclo madax Ka tahey dalka kusoo noqon maayo. Walaa ina kaahin walaa ina Xaashi.

 

Hadaba Hjeclo maxey uga hadli waayeen waxaas oo dhan. Mise wey baqayaan. Waxaad arkeysa iyagoo marna Feysal Cali waraabe ku leh waxaas buu nagu sameeyey ee ka hadla.

 

Marna Habaryonis iyo  Ciro oo Habarjeclo kowka aheyd. Munaafaqadii jeegaanta ee lagu riddey ayey odhanayaan ma xisbiya mucaradda Jira mey dalka ninkan  ka qabtaan

 

Muuse Biixi

Heshisyadii Habar jeclo dhamantood wuuka baxey, waxa qudha ee ka badbaaddey dhaqanka Hjeclo oo aan maanta nin muuse ku xidhani ma jiro. Siyaasiyiintuna wey fashilmeen. Waxeynu nasiib kulaheyn gogosha GARXAJIS inaga aqabley iney inala soo fadhiistaan.

 

Iyagana waxba garaxjis umey sheegin. Dhiiga ceelafweyn ee BICIIDE. Beynu qaban kariweyney bicide oo maalin walba dhaarta jebeniya.

 

Garxajis bay Habar jeclo shaambadd uga dhigeen RIYAALE bey Naga raaceen. Codkii Riyaale ku soo baxey Somaliland oo dhan baa laheyd. HABAR AWAL. xoogeedu UDUB Buu ahaa. Ciise kowka ah.

 

Iyaguna dowladii Siilaanyo wey Kula dagaalameen dhaqalaaha iyo shaqalaaha dowladaba nin Habaryoonis ah  oo eynu waxla tilaamo siiney majiro. Ciidagalena warkoodaba daa.

 

Ciise muuse  waxey ogayeen xukumadii Siilaanyo qaatey oo Marwaddu maamuleyseyna dagaal ayay ilaa maalintaas ilaa maanta Habarjeclo ku wadaan

 

Markaa waxan idin leeyahey Hjeclo waxey u baahan tahey iney dib u xisaabtanto. Hadeer qorshe malaha 100 Sano ee soo socda siyaasadoodi way iibsadeen waxana iibsatey Kooxddi xukumadii Siilaanyo taladda heysey.

 

Waxaa Habar Jeclo la gudboon inay INA BIIXINA Ka tashadaa . Mustaqablka siyaasaddana si aan hunguri ku jirin oo caqlileh dib ugu xisaabtamaan. Marka xaqiiqdda laga hadlo Habarjeclo laba qorshe bey Magaladda Hargeisa kusoo gashey.

 

Waa dhaqalahii qurbe jooga HABARJECLO ee xisbiga kulmiye lagu tageeri jirey iyo markii danbe Siilaanyo madaxweynaha noqdey ee ilaa qurbe jooga xukumadda eynu si fiican u qabsaney.

 

Qofka Hjeclo ee xukumadda u shaqeyn waxu aaha dilaal mashariicdda dowladda ama gunno ayuu Ka qaadan jirey xafiisyadda xukumadda mid Ka midda.

 

Maanta 4 wasiir ee lacagta boobey mooye qof qaddo ku heysta  majiro HARGEISA. Qurbe joogiina dib bey u yaaceen markey waayeen lacagtii bilaa xisaabta aheyd. Ganacsatadda waaweynina waxoodii wey heystaan

 

Dhalinyaradda Hjeclo inta aan dowladda u shaqeyn ama aan ganacsatadda waaweyn u shaqeyn waxey hayaan ma jirto. Badhna maanta xamar bey hadal hayaan iney qabtaan. Intii kaleba BURCO. Ayay ku noqotey. Halkaas waxa iga muuqdda Hjeclo iney gummowddey.

 

Waxaasna waxa keeney qorshe xumadii loo maamuley siyaasadda iyo xukumaddi gacanteena soo gashey. Waxey ku mashquuleen Kala boobka mashariic yaryar iyo siyaasadd 10 sano ah.

 

Habar jeclo waxay iibsatey mustaqbalkii reerka 100 sano. Maanta ISAAQ Mid ixtiraam niyaddsami ah u hayaa majiro. SACADMUUSE Muuse   waxay qoreen tuugo aan la soo dhoweysan Karin.

 

GARAXJIS Habar Jeclo waxay la gashay dagaal siyasadeed iyo mid ay is lahayeen xukumadii siilaanyo islaheyn dib usoo kaci mayaan ee dhaqalaha ka baabi'iya. Waxba meynu yeelin oo maanta

 

Laba wax bey Ka dhaxleen GARXAJIX dagaalka qaawan. In maanta CIIDA GALE IYO HABARYONIS eynu u sameyney MAGACA GARXAJIS. Ilaa miyiga Ceergaabo ilaa Ramaso maanta kaad aragtaaba leeyahey waxaan ahey GARXAJIX.

 

100 sano magac raggii hore midnimadiisa kala ilaalinayay beynu siyaasadd xumo isugu geyney.

 

QODOBKA DHAQALAHA GARXAJIS

 

Maanta GARXAJIS malaha tijaar weyn balse waxey leeyahiin 500 nin oo ganacsato yaryar oo fiican oo midwaliba ugu yaraan 1.000.000 dollar heysta.

 

HARGEISA Maanta iyaga cidwalba kaga dhaqaale badan oo lacagta WAJAALE taal 75% iyagaa leh. Dhamaan waxa HOTEL qiima leh ku yaal Hargeisa iyaga leh.

 

Dhamaan cusbitaladda Private ee HARGEISA Iyagaa leh. Dhamaan maanta MACDARADDA baanuurta dhowr xabo oo jigjiga yar ku yaal mooye iyagaa leh. Waxa duleedka Hargeisa GEEL lagu dhaqayo iyaga leh.

 

Dhamaan SHIRKADAHA DHISMAHA ugu waaweyn iyagaa leh, dhaaman shirkadaha GAASTA dalka keenaya iyagaa leh

 

QAADKA dalka Faraska Iyo INAGAFANE mooye waxa kale oo dhan iyagaa leh. Dhaqalaha inta badan GARAXJIS isma saarne waa HABARYONSI.

 

Dhamaan Rigaaga Dalka Ceelasha loogu qodo ama Shirkaddaha dhismaha Wadooyinka iga leh 67% iyagaa leh

 

Dhaqlaha ey heystaan ee gaanacsiga (SMALL BUSINESS) Cidd ku gaadheysa majirto.

 

Waxey taasi ina tuseysaa in Nimankaas dhaqalaha ey heystaan uu yahey mid xoogan oo dhamaan bulshada-ddooda wadda gaadhey

 

SACAD MUSAHA IYO HABARJECLADDA sidooda waa dhaqaale aan ku koobneyn. Ganacsatadda iyo afarta Siyaasi ee hantidda qaranka boobey.

 

 

Hadhwanaagnews

Hargeysa office.


Loading...
Loading...