Laba Qof Oo Itoobiyaana Oo Xalay Hargaysa Ku Geeriyooday

0
Tuesday May 05, 2020 - 09:08:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Qof Oo Itoobiyaana Oo Xalay Hargaysa Ku Geeriyooday

    "Askari ka tirsan ciidanka Dab-demiska ayaa isaguna dhaawac ka soo gaadhay hawlgalkaas"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Askari ka tirsan ciidanka Dab-demiska ayaa isaguna dhaawac ka soo gaadhay hawlgalkaas"


Hargeysa: Alle haw Naxariistee Laba Nin oo muruqmaal ah ayaa habeenimadii xalay ku nafwaayay Bullaacad ay ka xoogsanayeen kuna taalla Salaama Restaurant oo ku yaalla xaafada Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa.

 

Hawlgal qaatay saacado badan ayaa ciidanka Dab-demisku subaxnimadii hore saaka ku guuleysteen inay Maydka labadaa Nin ka soo saaraan Godka, sidoo kale ciidanku waxay soo samatabixiyeen hal nin oo kale.

 

Askari ka tirsan ciidanka Dab-demiska ayaa isaguna dhaawac ka soo gaadhay hawlgalkaas. Labada muwaadin ee ku dhintay godka ayaa ahaa muwaadiniin u dhasahay waddanka Ethiopia.

 

Bullaacadan ayaa ku taallay goob qayrall sharci ah una dhawayd waddada, waxaana badanka goobaha noocan oo kale ciidanka Dab-demiska ka soo gaadha caqabado kala duwan marka hawlgalada samatabixinta iyo gurmadada kale lagu gudo jiro.

 

Ugu dambayn Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan ka farayaa muwaadiniinta ku nool Somaliland inay ka digtoonaadaan bullaacadaha iyo godadka ay sida sharci darada ah uga samaynayaan goobaha aan loo meel dayin, kuwaasoo khatar ku ah dad iyo xoolaba.

 

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland

[email protected]

990 Gurmadka Degdega ah


Loading...
Loading...