Nuxurka Kulan Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka

0
Monday April 08, 2019 - 16:23:19 in News by
  • Visits: 2901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka

    Nuxurka Kulan Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Kulan Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador Annett Günther, islamrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr.


Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Jarmalkaa oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya.

Image may contain: 1 person


Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka midho dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ay kamidka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu.

Image may contain: 2 people, people sitting

Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashada iyo kalluumaysiga, ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is fahan buuxa iyo guul.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and suit
Loading...
Loading...