Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (4)

0
Monday May 04, 2020 - 15:33:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (4)

    Socdaal Sahamiye oo weriye Soomaaliyeed ahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Socdaal Sahamiye oo weriye Soomaaliyeed ahi
waxa uu sii ambaqaadayaa waraysigii uu la yeelanayey Jidbixiye Laangooye oo ka mid ah mas'uuliyiinta dhaqdhaqaaqa MKM oo ah urur cusub oo dhowaan lagu dhawaaqay. Tani na waa qaybtii 4aad ee waraysigaas taxanaha ah:


Socdaal: Soonqaad suubban.


Jidbixiye: Soonqaad wanaagsan.


Socdaal: Taariikh ahaan, khaladaadkii la galay 1960 ee ku saabsanaa  sidii midnimadu u dhacday iyo sidii loo maamul dawladnimadii la helay, waxa ka dhashay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM). Sawir kooban naga sii abaabulkii iyo aasaaskiisii?


Jidbixiye: SNM dhalashadeedu waxa ay ahayd falcelin ka soo jeedda midnimadaa sidii loo galay, maamul xumadii wax kharribtey iyo cadaadiskii siyaaso-dhaqaale taliskii milateriga ahaa.


Waddanka gudihiisa, gaar ahaan Muqdisho iyo waddanka Sacuudiga ayaa abaabulka ugu weyni ka socdey laga soo bilaabo dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhammaadkiisii.


Xubno ka mid ah madaxdii xukuumadda ayaa abaabul Muqdisho ka wadey ay ku wacyigelinayeen, kuna ururinayeen waxgarad ka soo jeedey Waqooyi oo saraakiisha ciidamada, aqoonyahanka iyo ganacsatadu ugu mudnaayeen.


Ismaaciil Cali Abokor oo ka ahaa madaxweyne ku xigeennadii xukuumadda ayaa abaabulkaas xuddun u ahaa. Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo Axmed Maxamed Halac, Ahun, labada'e, oo kala ahaa laba sarkaal oo mid na ahaa milateri, mid na bilayska, ayaa u kala gooshayey Waqooyi iyo Koonfur oo qaabbilsanaa arrinta abaabulka saraakiisha iyo saraakiil xigeenka ciidamada qalabka sida ka midka ahaa.


Juun 1982 waxa la xidhay Ismaaciil Cali Abokor iyo rag badan oo kale oo madax sare, saraakiil iyo aqoonyahan ka koobnaa, oo Axmed Maxamed Halac ku jiro, Maxamed Xaashi Diiriye na (Lixle) waa uu baxsaday.


Dhinaca Sucuudiga waxa abaabulkaas SNM kaga hawlanaa rag waa' hore waddanka ka haajirey oo waddankaas ku sugnaa.


Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sheekh Madar (Gud. 2aad ee SNM),  Ahun, Axmed Cabdi Ismaaciil (Duqsi)  Ahun, Xasan Aadan Wadaad-diid, Ahun, Axmed Maxamed Seyidi. Ahun iyo Maxamed Xaashi Cilmi rag ay ka mid ahaayeen ayaa Ingiriiska loo diray. 


Axmed Jimcaale (Gud. 1aad ee SNM), Ahun, Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Zeki rag ay ka mid ahaayeen London ayay sii joogeen oo ay kooxdaas Sacuudiga ka timi isugu yimaaddeen, kagana dhawaaqeen SNM London 06/04/1981.


Socdaal: Raggaas SNM ku dhawaaqay waxa ay ahaayeen isku qolo. Xataa Reer Waqooyi kale kuma jirin oo Isaaq soocan ayay ahaayeen. Waayo?


Jidbixiye: waa run taasi u qaawan sida cir aan caad lahayn, waxa aanay ka mid ahayd dhalliilaha ugu waaweyn SNM. Qolyahaas SNM ku dhawaaqay waxa ay ku andacoodaan in ay waayeen dadka intiisa kale oo dhabarka reerihii kale u jeediyeen, ma se aha taasi mid lagu wada qanci karo, waayo waxa jirey dad badan oo siyaasadda xukuumadda diiddanaa oo qolooyinka kale ka mid ahaa. Arrintu bislayn iyo wakhti la siiyo bay u baahnayd. Deg deg baa ku jirey ku dhawaaqa.


Socdaal: SNM waxa ay tagtay Itoobiya oo ay Soomaaliya shalay uun dagaal weyni ka dhex dhacay. Waayo?


Jidbixiye: Waxa ay Itoobiya ahayd halkii loo arkayey in xukunkii Soomaaliya ka dhisnaa laga wareemi karo.


SSDF oo ahayd jabhaddii ugu horreysey jabhadihii Soomaaliya ka dhashay ayay Itoobiya martigelisey, iyada oo Itoobiya ay Soomaaliya la leedahay xadka ugu dheer ee dhinaca badda Cas iyo badweynta Hindiya eegaya. Labadan arrimood ayaa SNM na dhiirrigelinayey.


Socdaal: SNM markii dambe waxa ay saldhigyo ku yeelatay Koonfurta Soomaaliya. Maxaa is beddeley?


Jidbixiye: Waxa muuqatay in aanu qoys qaran iska dhicin karin. Sidaas awgeed ayaa la ballaadhiyey saldhigyadii, lana beddeley qaab-dhismeedkii hay'adaha hoggaaminta oo lagu soo daray madax badan oo reer Koonfureed ah, waxana SNM ku soo biiray xubno door ah oo reer Waqooyiga kale ee aan Isaaqa ahayn ahaa sida Harti Waqooyi, Samaroon iyo Ciise.


Waxa xoog yeeshay saldhigyadii Koonfurta ee Doolow, Buuraaminow, Suufti iyo Mustaxiil oo saraakiil iyo ciidamo Reer Koonfureed ah oo SNM ahi ka hawl-galeen.


Socdaal: Haddana markii uu xukunkii Maxamed Siyaad dhacay 26.01.1991, SNM waxa ay 18.05.1991 kala goysey Soomaaliya. Miyaan la odhan karin qorshe dhagaraysan ayay SNM qarsanaysey oo ay fulisay?


Jidbixiye: Dad badan waa ay ugu muuqan kartaa sidaas, hase yeeshee taasi xaqiiqo ma aha.


Socdaal: Sabab lagu qanci karo ma jirtaa?
Jidbixiye: Haa. Dhawr sababood baa jira.


Socdaal: Maxaa ka mid ah oo la taaban karaa?

Jidbixiye: 1. SNM distoorkeedu, qodobkiisa lixaad, waxa uu dhigayey in Soomaaliya oo idil laga xoreeyo taliska Maxamed Siyaad, lana ilaaliyo midnimada Soomaaliya.


2. Sidii aan xusnay hay"adaha hoggaaminta SNM waxa ka mid ahaa madax reer Koonfureed ah. Markii talisku dhacay waxa guddida fulinta iyo golaha dhexe SNM ku jirey rag Koonfurta ka soo jeedey oo ka mid ahaa madaxdii saldhigyada Koonfureed.


3. Qaabka dhismeedka saldhigyadu in uu goglanaa min waqooyi ilaa koonfur na waa tii aynu soo tibaaxnay.


4. SNM waxa ay heshiis kula jirtey USC iyo SPM oo ku saabsanaa in dawlad wadajir ah oo kumeelgaadh ah la soo dhiso marka taliska laga adkaado. Heshiiskii Mustaxiil 1990 .


5. Rag uu hoggaaminayey Garaad Cabdilqani Garaad Jaamac, Ahun, ayaa SNM heshiis kula jirey. Baashe Cali Jaamac, Maxamed Cali Caateeye, Daahir Xaaji Xasan iyo Maxamed Mahdi (Baayer) ayaa ka mid ahaa raggii Garaadka weheliyey. Ilaa 1989 ayuu Garaad Cabdiqani hawshaa ku jirey oo Muqdisho, Qararro, Gawlallaale iyo Balligubadle kulamo ku kala qabanayey. Heshiiskii Balligubadle, 1990.


Dibeddana waxa joogey oo xidhiidhkaas Garaadka ka mid ahaa Prof Cali Khaliif Galaydh, Maxamuud Saalax (Fagadhe), Ahun, iyo Dr Cali Ciise Cabdi rag ay ka mid ahaayeen.


Hadda ba maxaa dhacay oo keenay goosiga? 

Dhawrkan arrimood ayaa haddaba is biirsaday oo dhiirrigeliyey gaar isu taag aan sii qorshaysnayn oo aan la isku ogayn in lagu dhawaaqo si lama filaan ah.


1. Tabasho guun ah oo 1960 ka soo jeeddaa waa ay jirtey SNM dhexdeeda iyo taageerayaasheedii..


2. Gumaadyadii qorshaysnaa ee xukuumaddu ka waddey Waqooyi, gaar ahaan bartilmaanta u ahaa Isaaq iyo xasuuqii iyo burburkii weynaa ee 1988 ayaa isna beeray dareen aan caafimaad qabin.


3. Intaas oo jirta ayaa Muqdisho lagaga dhawaaqay dhismaha xukuumad cusub oo Soomaaliyeed oo aan SNM oo Waqooyi gacanta ku haysa laga la tashan, la na ogaysiin.


Arrintan dambe ee xukuumaddii Manifesto, waxa ay soo kicisay ladhka iyo dacarka ku huursanayd laba qodob ee sare, waxa aanay noqotay mid go'aamisa in dhinac kale oo laga maarmi lahaa geeddiga loo jiheeyo: Kala go" iyo kala qaybsanaanta maanta keentay taag darrada iyo is waaga danniga badani keenada u hayo.


United we stand, divided we fall.
Midnimo waa isku tiirsi, kala qaybanaani na waa kufitaan/dhicitaan.


La soco qaybta 5aad.

Ha la soomooy
Ha la soomooy
Soddonka Ramadaan
Ha la soomooy.


Maxamed Baashe Xaaji Xasan
[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...