Qorshe(Q. Shanaad Ee Guusha)

0
Monday April 08, 2019 - 16:05:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1317
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qorshe(Q. Shanaad Ee Guusha)

    "Qorshe waa nidaam habaysan oo hawl lagu fuliyo Kaas oo ka kooban talaabooyin is daba yaal yaal kuwaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qorshe waa nidaam habaysan oo hawl lagu fuliyo Kaas oo ka kooban talaabooyin is daba yaal yaal kuwaas oo loogu talo galay in lagu gaadho yool ama hadaf cayiman muddo cayiman gudaheed.”


Qorsheyntu waa tan u horaysa una muhiimsan marka hawl la qabanaayo, hawl la qabto qorshe la’aan waa hawl aan la hayn wax macno ah iyo hawtulhamagnimo, inta badana waxay u muqataa hawl aan adkeyn.tusaale ahaan.



Qorshe kastaa waa inuu ahaado mid qoran aad goorkasta si sahlan u tix raaci karto cabirina karto markasta horumarkaad samayso,qorshe aan qornayn wuxu kugu sababi karaa inaad lunto waayo waxaad u dhigantaa nin yidhi maskaxdayda ayaan ku qadanayaa mapkayga umana baahni inan qaato waraqo wax ku sawiranyiin, tani waa arin khatara hadii uu shaki kaa galana waxaad halis u tay inaad samaayso go’aan khaldan.inteena badani maab nololeedkeena madaxeena ayaan ku sidanaa,"waana ta keenta inan is qiimayn kari wayno oon garan wayno xageen u soconaa oonan ku qanacno wixii ay noloshu inoo keento.”yada oo aad looga wada dharagsanyay muhiimada qorsheynta, hadana waxaan tilmaami donaa qorshe la’aantu iney tahay waxa in badan oo inaga mida dhaxalsiiyay nolol aanay rabin. Faa’idooyinka Qorsheynta waxa ka mida ku wan:


1. Jihayn

Marka aad yeelato qorshe cad oo qoran dhamaan qaybaha kala duwan ee jidhkaagu waxay ku shaqeeyan qorshahaas waxayna ka war qabaan u jeedooyinka aad leeday iyo waxaad hiigsanayso, tusaale shirkadaha ama ururadu waxay leeyiin ujeedooyin ama (objectives) sababta shirkadu u qorto una soo bandhigto ujeedooyinkeeda waxa ka mid ah in dhaman shaqaluhu ka war qabaan ujeedooyinka shirkada kuna dadaalan iney xaqiijiyaan ujeedooyinka shirkadaas ay ka shaqaynayaa, iyo in aan isbedelka maamulku sababin in shirkada yoolkeedu is bedelo lakiin ay ahaado mid leh hal yool oo la xaqiijin karo. Qorshuhu badanaa wuxuu u dhaqmaa sida maabka oo wu ku tusaa kolta inaad hore u socotay iyo intaad u jirto yoolkagi iyo goobtaad ku nasan leyd.


2. Lama sadaalin karo mustaqbalka.

Sideedaba qorshuhu wuxuu ku saabsanyay mustaqbalka, mustaqbalkana lama sadaalin karo, hadaba inaad qorshe lahaata waxay yareeysaa khataraha ka iman kara isbedelada mustaqbalka , waayo qofkii qorshe leh wuxuu ka fakiraa dhamaan caqabadaha ka hor iman kara iyo ka hortagooda iyo xalalka macquulka ah ee mid kaste lagu xalin karo hadday yimaadan.


3. waxau ku xadidaya wakhtiga

Marka aad qorshaysid wakhtigaaga waxa ku xadidmaaya hawl walba oo aad qabanaysid taas oo ka dhalanayso natiijo ah in aad wakhti yar gudeheed ku xaqijisid wax walba oo aad qorshesay noloshaada.


4. isbadal nololed

Qorshe walba oo la qorsheyaa waxa hubaal ah in u u horseedo cidaa qorshesay arinkaas in ay horumar layaab leh ay gaadho qof ahaato ama qaran ahaato.


5. Qorsheyntu waxay u wanaagsantahay diintaada: Dhamaanteen waxaan dooneynaa in aan ku noolaano sidii uu nafaray Allah. Hadaba su’aashu waxay tahay xagee ayaad taagantahay maanta? Waxaa muhiim ah in qofku qiimeyn ku sameeyo habka uu ilaahay u caabudayo oo qorsheeyo waxyaabaha u baahan in uu wanaajiyo.

Waa in aad su’aalo iska weydiisaa arimaha la xiriira diintaa isla markaana aad qorsheysaa sidii aad u hor marin lahayd xiriirka kaala dhexeeya Allah.


6. Qorsheyntu waxay u wanaagsantahay reerkaaga: Waxaa macquul ah in sanadkii hore adiga iyo xaaskaaga aad kala fogaateen, caruurtii in aysan wado fiican ku socon. Haddii ay jiraan dhibaatooyin u baahan xal waa in aad qorsheysaa sidii aad meel u saari lahayd arimahaas sanadka cusub.


7. Qorsheyntu waxay u wanaagsantahay shaqadaada iyo waxbarashada: Soomaalida inteeda badan waa shaqo la’aan. hadaba maxaa talo ah? sidee ayaad wax uga badali kartaa xaalada shaqada ee aad ku jirto. In aad cayr ku noolaato mustaqbal ma ahan. Waa in aad qorsheysaa haddii aad u baahantahay waxbarasho dheeri ah, haddii aad ganacsi bilaabayso iwm.


Ugu danbayn nolol qorshesayaa wax badashayaa o wax qabatayaa nolol hor leh oo horumarsan o hagaagsan o leh hogaamin iyo hal abuurnimo heer caalimiya.

Alla mahad leh alla mahad leh alla mahad leh


By: Mohammed Adam Hassan

E-mail: [email protected]

Tell: 0634394700

( isbaddel ka bilaabmay shakhsi isla markaana u xuub siibtey bulsho dhan si ay u noqdaan Hormuudkii Horumarka Ee dunidan aynu ku noolnahay )

Hadii alle ka Dhigo Dhamanten Guul Iyo Gobonimo (Africa Never Give up)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...