Godobtii Qaadka...W/Q Ismaaciil C. Ubax

0
Sunday May 03, 2020 - 13:02:27 in Articles by
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Godobtii Qaadka...W/Q Ismaaciil C. Ubax

    Godobtii Qaadka...W/Q Ismaaciil C. Ubax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Godobtii Qaadka...W/Q Ismaaciil C. Ubax


Qaadka Hargeysa lagu gubay ayaa u qaadan la’aa in la gubayo, illaa dabka la qabadsiiyay.


Markii la soo qabtay, wuxuu is lahaa cidna dab kuu quudhi mayso. Midda kale, raggan gubaya aqoon bay isku wada leeyihiin, markaa is muu lahayn rag aad is taqaannaan baa ku ololinaya. 200 oo kiiloo oo jebis ah oo sanka taagaya, ayaa markii ay arkeen in dadar lagu soo daray, yara fajacay oo shakiyay. Mid ka mid ah kiilooyada ayaa mid kale oo ag yaallay ku yidhi, ”Waar heedhe, dadartii yaryarayd mar haddii la i nagu soo daray, si la i noo ma gelin wallaahi. Tani waa tii laga dhiman jiree, aniga ha la i gubo.” Kii baa ugu jawaabay, ”Wallee nimankii aynu asxaabta ahayn malaha dab i noo quudhi maayaane, ma laga yaabaa in aynu qaar wadaaddo ah gacanta u galnay. Kuwaasaan milgaheenna aqoone.” Mid hoosta ku jirey oo labadan hadalkooda maqlayay, daal badanna tirsanayay, ayaa ku darsaday, ”Waaryaadheheen, wallaahi waa Ramadaanoo, raggu raggii maahee, wax walba ka fisha.”

Image may contain: 1 person, smiling


Markii meesha la keenayba waxay arkeen kamarado iyo rag dirays xidhan, iyo qaar kaloo sii daba taagan. Halkan in aan inán lagu bixinayn ayay fahmeen. Markiiba sida ciidda afka loogu geliyay ayay ka garteen in dadnimo dhimatay oo aan waxba la xeerinayn. Waxa wax walba kaga darnaa, khudbadaha laga dul jeediyay iyagoo bacadka yaalla.


Qaadkii oo haatan in nolosha lagu gubayo xaqiiqsaday, ayaa hareeraha eegay. Markaasuu arkay rag uu garanayo oo halkaa soo taagan. Dadartii oo hoosta ku jirta ayaa iyaduna meel hoose ka soo aragtay dadkeedii. Markaasay tidhi, ”Anigu nacaskaa xagga dambe taagan ee usha sita ayaan si fiican u garanayaa. Habeen oo dhan baannu sheekaysannaa ninkaa, imikana..” Iyadoo halkaa marinaysa ayuu jebiskii hadalkii ka boobay. Wuxuu arkay Taliyaha Booliska ee dul taagan. La hadal buu is yidhi, kiiloo ka dambeeyey ayaa yidhi, ”Waar ka daa ha la hadline, isaga is ma naqaannee, kuwaa kale la hadal, ha i noo soo gurmadaane.” Kiiloo xagga sare joogay ayaa la yidhi, adigu ragga u qaysho, waa intaasoy i na badbaadiyaane. Hareeraha ayuu jebiskii eegay. Markiiba wuxuu arkay wejiyada dhammaan dadkiisii oo halkaa soo taagan. Askarta wuu iska dhaafay oo wuxuu is yidhi, Taliyahoodii oo aydaan is aqoon baa joogee, xaga siyaasiyiinta u kac. Maxamed Cali Bile ayuu halkaa ka arkay. ”Waar Maxamedoooow!” Wuu maqli waayay. Kiiloogii xagga hoose ku jirey baa yidhi, ”Waar ina Cali Bile iska daaya, beryahaaba ninkaa isku maynaan soo dhowaane, waa kii qaraabagoys i nagu noqdee.” Haddana waxay arkeen Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha oo halkaa soo taagan, mar dhoweydna ilaa tuulooyinka amar siinayay oo lahaa, qabta qaadka aad aragtaan. Iyagoo ka yaabban godobta ay saaxiibkood ka galeen, ayuu midi yidhi, ”Aar ninkaa hadda xalay oo u dambaysay baannu wada joognay, ninku ma xumee tolow halkuu i naga qaniinay?” Haddana waxay arkeen Maayirkii oo dhinacaa taagan. ”Aaal, aar waa Solteelko!” Mid kale ayaa yidhi, ”Wallaahi waa laftiisii, aar ninka u yeedh, isagaynu isku dheer nahaye.” Dhawr kiiloo ayaa mar qudha wada qayliyay oo farxadi ka yeedhsiisay, ”Soltelkoooooy, madax Ilaahay, aar waa jebiskiiye.” Wuu maqli waayay. Way yaabeen, aar ninku i naga ma fogabee, waa sidee? Way ku celiyeen, ”Maayir, Maayir, madaxdii qarankaaaaay, abti waa annagii.” Haddaba naxdintii ugu darnayd imika ayay ku dhacday kii qaad ahaa. Wuxuu arkay ninkii Soltelko oo intuu codkooda maqlay, soo eegay, deedna aayar dhanka kale u jeedsaday. Jebiskii oo niyadjab dhegaha laabtay ayay dadartii tidhi, ”Waar dee wuu idin ka dhacayaa, maydaan wax fahmayn?”


Muraaradillaacii, waxa la sheegay in ay nafta iska qaadeen, ka hor intii aan dabka la sudhin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...