Shacabka Oo Si Weyn U Faaqidaya Wararka Xaalada Caafimaad Ee Muuse Biixi Iyo Madaxtooyada Oo Aamus Miciinsatay

0
Sunday May 03, 2020 - 12:46:49 in News by
  • Visits: 3637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Oo Si Weyn U Faaqidaya Wararka Xaalada Caafimaad Ee Muuse Biixi Iyo Madaxtooyada Oo Aamus Miciinsatay

    Shacabka Oo Si Weyn U Faaqidaya Wararka Xaalada Caafimaad Ee Muuse Biixi Iyo Madaxtooyada Oo Aamus Miciinsatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Oo Si Weyn U Faaqidaya Wararka Xaalada Caafimaad Ee Muuse Biixi Iyo Madaxtooyada Oo Aamus Miciinsatay

Hargeysa(HWN):-shacabka Somaliland ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey baraha bulshada isku waydiinaya sida ay tahay xaalada caafimaad ee madaxweyne Muuse Biixi oo laga soo tabiyey warar aan wanaagsanayn.

Kulan Ayaa Madaxtooyada Somaliland Ku Dhex maraya Madaxda ...

Shacabka somaliland ee ku sugan gudaha dalka iyo debadiisa ayaa si weyn uga hal celiyey warar dhex qaaday oo sheegaya in xaalad caafimaad la soo daristay madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, kaas wararkuna la xidhiidhinayeen in loo qaaday dalka debadiisa.

Shacabka somaliland ayaa fariimaha ay isku waydaarsanayeen baraha bulshada laga dareemayey inay ku jaah wareereen xaqiijinta xaalada dhabta ah ee uu ku sugan yahay madaxweynahoodu, waxaana ilaa hada aan la xaqiijin warar sheegaya in xaalad caafimaad loogu qaaday dalalka deriska ah balse aan la kala hubin Jabuuti Iyo Itoobiya midka uu yahay.

Dhinaca kale madaxtooyada somaliland ayaan ilaa hada ka hadal wararkan bulshada ku dhex faafiyey ee shakiga galinaya xaalada caafimaad ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Aamuska madaxtooyada ayaa ku soo beegmaya wakhti ay warar kala duwani ku dhex faafayaan shacabka isla markaana bulshadu si weyn ugu dhag taagayso inay ogaato xaalada rasmiga ah ee uu ku sugan yahay hogaamiye Muuse Biixi iyaga oo shacabkuna xaq u leh in lala socodsiiyo xaaladaha soo kordha.

Loading...
Loading...