RW Kheyre oo Khadka Telefoonka Dalab Cajiib ah ugu diray Madaxda Hay'adda WHO

0
Sunday May 03, 2020 - 11:53:25 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Kheyre oo Khadka Telefoonka Dalab Cajiib ah ugu diray Madaxda Hay'adda WHO

    Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa faah faahin ka bixiyey kulan khadka telefoonka ah oo uu la yeeshay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan cudurka faafa ee Covid-19 oo fara ba’an ku haya Somalia.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Coronavirus iyo sida ay u la taacaleyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhankiisa Tedros Adhanom ayaa u ballaan qaaday xukuumadda federaalka Soomaaliya inay WHO si weyn uga gacansiin doonto dagaalka lagu jiro cudurka Covid-19.

 

Kulankaan khadka taleefoonka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan socdaan dadaallo oo ay dowladda federaalka ay ku dooneyso inay ku xakameyso fidista cudurkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa laga diiwaan-geiyey kiisas gaaraya 671 qof, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka xukuumaadda federaalka.


Loading...
Loading...