War Deg-Deg Ah:-Xisbiyadda Mucaaridku Maxay uga Aamuseen Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweyne Biixi
War Deg-Deg Ah:-Guddoomiyeyaasha Mucaaridku Maxay uga Aamuseen Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweyne Biixi

Hargeysa(HWN):-Guddoomiyeyaasha Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Faysal Cali Waraabe ayaa 24-kii saac ee u danbeeyay aan ka hadal Wararka ku saabsan Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii uu ku soo boodday Xanuunka Faalligu (Stroke), fiidnimadii jimcihii habbeen hore.

Hoggaamiyeyaasha mucaaridku maaha inay bulshadda u aamusaan ee waa inay la wadaaggaan xaaladkasta oo jirta, waanna arrin Distooriya inay hadba wixii jira u gudbiyaan Shanta Million reer Somaliland, taasoo ah Waajibaad saarran oo haddii ay gudan waayaan ah inaanay ka soo bixin Xilkii saarnaa.
Wakhtigan aynu ku jirno bulshadda reer Somaliland ee dal iyo dibad-ba kala jooga waxay u dheg-taagayaan Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo sida la xaqiijiyay uu ku soo boodday Xanuunka loo yaqaanno Faalligu (Stroke), iyaddoo aannay 24-kii saac ee u danbeeyay aannay jirin Xukuumad iyo Mucaarid ka hadlay Xaaladda dhabta ah ee uu ku sugan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo sidii aanu wararkii hore idinku soo gudbinay ahayd mid halis ah oo liidata.
Haddaba, su'aasha iswaydiinta mudani waxay tahay maxay uga aamuseen Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaridku inay bulshadda reer Somaliland la wadaagaan Xaqiiqadda ku salaysan waxa uu ku sugan yahay iyo sida xaaladdiisa Caafimaad ay tahay Madaxweyne Muuse Biixi, halka uu ku sugan yahay, Xanuunka asiibay waxa uu yahay, waxaanna muuqata inaanay kaalintaas buuxin labadda guddoomiye Xisbi mucaarid Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Si kastaba ha ahaatee, bulshadda reer Somaliland waxa ay u dhegtaagayaan kaalintii ay bulshadda ku lahaayeen Labadda Xisbi mucaarid, iyaddoo ay suurto-gal tahay in Xisbiyadda mucaaridku ay ku jiraan qiimayntii hore ee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Muuse Biixi jimcihii habeen hore uun uu ku soo boodday Xanuunka Faalligu, iyaddoo haatanna lagu soo waramaayo in Xaaladda Madaxweynuhu ay tahay mid halis ah oo liidata, waase bil ramaddaane Illaahay-baynu Caafimaad u waydiinaynaa Madaxweynaha iyo intii kale ee Xanuusan-ba.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...


0 





