War deg-deg ah:-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Ammaankiisa Aad Loo adkeeyay
Hargaysa(HWN):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici ayaa Ammaankiisa

Hargaysa(HWN):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici ayaa Ammaankiisa aad loo adkeeyay, kadib markii uu Xanuunka Faaligu(stroke), uu ku soo boodday Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, iyaddoo xaaladdiisunna ay aad u liidato.

Ma jiro war rasmiya oo aqalka looga arrimiyo Somaliland ee Madaxtooyaddu uu ka soo saarray sababta dhalisay in Ammaanka guriga Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici aad loo adkeeyo, hase yeeshee warar kala duwan oo Warbaahinta Hadhwanaagnews, heshay ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay la soo derristay xaalad Caafimaad-daro ah, isla markaanna uu ku dhuftay Xanuunka loo yaqaanno Faalligu ama Stroke hadba midkii aad u taqaanid.
Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne ku-xigeenku uu isku diyaarinnaayo sidii uu u sii maamuli lahaa taladda dalka, ilaa inta xaaladda Madaxweynuhu ay ka soo raysannayso, iyaddoo imika xaaladda Caafimaad ee Madaxweynuhu ay tahay mid liidata oo aan wanaagsanayn, inkastoo ay wararku sheegayaan in Xaaladdiisa lagula tacaallaayo Cusbitaal ku yaalla magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti.
Si kastaba ha ahaatee, ayaa toddobaadkii hore shaaciyay innuu u sharaxan yahay jagadda Murashaxa ama Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE, iyaddoo uu hadalkaasi tuhun badan oo la xidhiidha Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Muuse Biixi uu abuuray, balse xalay fiidkii uun laga war helay inaanay fiicnayn Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynuhu, isla markaanna uu ku soo boodday Xanuunka Faalligu.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...


0 





