Ujeedada Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Ka Degay Dalka Jordan.

0
Saturday March 02, 2019 - 19:07:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Ka Degay Dalka Jordan.

    Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa gaaray Magaalada Camaan ee Casimada wadanka Jordan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa gaaray Magaalada Camaan ee Casimada wadanka Jordan. Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalkaasi Urdun waxaa ku soo dhaweyey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jordan Dr.Nasar Alqeysi iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka wadankaasi Jordan.

Gudoomiye Mursal iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirka 29 ee midowga baarlamaanada carabta ( Arab IPU ) oo ka dhici doona 3-4 March 2019 magaalada Jordan kaa soo socon doon ilaa labo maalmood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya inta uu joogo wadankasi Urdun waxaa uu kulamo la qaadan doona madax kaladuwan oo ka qeybgalaysa shirkaasi.

Loading...
Loading...