WAR DEG DEG AH Khaalid Foodhaahi Wariye Mudo Danbi loo la'aa iyo been abuurka SOLJA

0
Saturday May 02, 2020 - 21:31:25 in News by Abdikadir Guled
  • Visits: 2470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG DEG AH Khaalid Foodhaahi Wariye Mudo Danbi loo la'aa iyo been abuurka SOLJA

    Suxuufi Foodhaadhi oo la sii daayay iyo sababta xadhigiisa oo u muuqda bar tilmaansi Heego

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suxuufi Foodhaadhi oo la sii daayay iyo sababta xadhigiisa oo u muuqda bar tilmaansi Heego

Hargeysa(HRN) – Khaalid Ismaciil Foodhaadhi waa suxuufi madax banan oo in muda ah xabsi lala baadi goobayay oo xalay fursad been abuur ah loo helay.

Suxuufiga ayaa SOLJA ka been abuuratay xadhigiisa ka dib kolkii ay sheegtay in loo xidhay arin qoyskiisa la xiriirta, balse xaqiiqadu sidaa ma aha, bacdaa aan la shaacin sababta dhabta ah ee loo xiray, isaguna uu haatan ka gaabsaday sheegida sababta dhabta ah ee loo xiray.


‘Weriye Khaalid Foodhaadhi waa uu xidhan yahay, waxaana la xidhay bacda Afurkii maanta oo jimce ah. Waxa uu u xidhanyahay arin gaar ah oo qoys taas oo aan xidhiidh la lahayn mihnadiisa saxaafadeed. Waxa aan rajeynaynaa in uu si dhakhso ah xoriyadiisa u helo oo uu hawlgalkiisi iyo shaqadiisi dib ugu soo laabto. Fadlan aan ka taxadirno faafinta war aan xaqiiq ahayn’. Ayuu yiri Agaasimaha SOLJA Xamse Xanas

Waxa muuqata in eebe ka badbaadiyay qorshe ay soo maleegtay Heego iyo inta haatan heeganka u gashay in muwaadiniinta la duudsiiyo xaqooda.
Xukuumadu bacdamaa aaney soo bandhigin sababta dhabta ah ee ay xabsiga u dhigtay suxuufi Foodhaadhi ayaa inta caqliga saaxiibka u ahi ay garan kartaa in aaney waxba ka duwaneyn tacadiyada soo noqnoqda ee Heego iyo isticmaalkooda awooda dawladeed.

Taa waxa sii raaca in suxiifiga uu ka gaabsaday ka hadalka tacadigii loo geystay isla markaana uu ku gaabsado "Salaam dhammaantiin. Illaahay mahaddii 24-saacaddood oo aan ku xidhnaa magaalada Hargeysa, galabta ayaan dib u helay xorriyaddaydii. Wax kasta oo dhacayna waxaan ku dhaafayaa in aan hadda xorriyadaydii haysto iyo dadkii sharafta lahaa ee ka hawl-galay siideyntayda” ayuu ku gaabsaday suxuufi Fodhaadhi.

Waxaase isweydiin mudan, waxa ay Heego yeeli doonto kolka xukuumadan xiligeedu dhamaado, miyaaney ogeyn in la xisaabtami doono maalin aan sidaa u sii fogeyn, ogaada xilku waa meerto inta aad manta dadka yeesho beritaa lagaa jari.
Hadhwanaag News 
Hargeysa

Loading...
Loading...