Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Dedaalada Shaqaalaha Caafimaadku Kaga Hortagayaan Covid-19

0
Saturday May 02, 2020 - 14:50:09 in News by
  • Visits: 1002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Dedaalada Shaqaalaha Caafimaadku Kaga Hortagayaan Covid-19

    Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Dedaalada Shaqaalaha Caafimaadku Kaga Hortagayaan Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Dedaalada Shaqaalaha Caafimaadku Kaga Hortagayaan Covid-19


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudaneXasan Cali Khayreayaa shaqaalaha caafimaadka dalka ku bogaadiyay dadaalka naf-hurnida leh ee ay ugu jiraan inay dadka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan cudurka COVID-19.




Mudane Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in guud ahaan howl wadeennada caafimaadka dalku ay aqoontooda, waqtigooda iyo naftoodaba ku bixinayaan sidii loo badbaadin lahaa bulshada intiisa kale, ayaa Allah uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo howl-wadeeennada uu cudurku ku dhacay iyaga oo halista curudka ka badbaadinaya dadka Soomaaliyeed.


Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda xuska maalinta Shaqaalaha adduunka ee 1da May ugu habmalyeeyay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dawladdu ay muhiimad gaar ah u siineyso xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo dowrka ay ku leeyihiin horumarinta dalka.


Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqaalaha dawladda kula dardaarmay inay qaybta uga aadan ka qaataan horumarinta iyo dadaallada dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan inay qayb wayn ka qaataan dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya.

 

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...