'' Xasan Kayd Maxaynu Ugu Magac Daraa ''.

0
Saturday May 02, 2020 - 12:16:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 3806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Xasan Kayd Maxaynu Ugu Magac Daraa ''.

    WQ: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ: Ahmed Nour Guruje


Xasan Cabdile walan-wal wuxuu ahaa ardaydii ugu horaysay ee u dhalatay qaaradda Afrika ee gashay jaamacadda ugu magaca wayn wadanka Ingiriiska dhinaca Milateriga ee magaceeda la yidhaahdo

The Royal Military Academy Sandhurst (RMAS or RMA Sandhurst) 1957 , waxaanay isku lod ahaayeen rag badan oo Aduunka caan ka noqday sidda Boqor xuseenkii Jordan .

 

Xasan Kayd wuxuu ahaa sarkaalkii hogaaminayay inqilaabkii ugu horeeyey Afrikadda madow 1961 , kaasoo ujeedadiisu ahayd in somaliland lasoo noqoto gooni isutaageedii , kaasoo dhaawac kasoo gaadhay , laguna xidhay isaga iyo saaxibadii .

 

Markii uu xabsiga kasoo baxay isaga iyo saaxiibadii waxaa lagga saaray ciidankii , hasa yeeshee waxaa isaga laggu qoray liiskii ciidanka kaydka ah ee loo yeedhayo markii loo baahdo maadaama uu ahaa nin aan aqoontiisa lagga maarmaynin .

 

1964 dagaalkii Itoobiya waxaa loogu yeedhay difaacii wadanka ,waxaanu dagaalkii ka galay Aaga Daba-gorayaale , waxaanu madax u noqday maleeshiyo caawinaysay ciidankii dawlada oo tamar yaraa.

 

Dagaalkaas ka dib wuxuu ka shaqaynayay wasaaradii arrimahah dabada ee Soomaaliya , waxaanu noqday danjirihii ugu horeeyey ee soomaaliya u magacawdo Jordan oo dabcan saaxiibkiina boqor ka ahaa .

 

Mar kale waxaa loogu yeedhay dagaalkii 1977 , waxaanu madax u noqday ciidan lagga diyaariyey maxaabiistii xabsiyadda oo loo bixiiyey waayo-arag , waxaanu dagaalka ka galay Jiida magaaladda herer oo isag iyo ciidankiisi wacdaro ka dhigeen .

 

Mar kale ,Xasan kayd wuxuu ka qayb galay Halgankii snm , waxaanu ka mid noqday 2 Taliye qaybeed ee bari iyo galbeed uu u magacaabay C/raxmaan Axmed cali markii wadanka la xoraynayay 1990 , kuwaasoo ahaa haybe omer magan oo galbeed ah iyo isagoo barri ah .

 

`1991 Xasan kayd wuxuu nasiib u yeeshay in ahaa sarkaalkii qabtay Magaaladda Burco oo ahayd halkii lagaga dhawaaqay Somaliland , ku dhawaaqistii Somaliland na goob joog ayuu ka ahaa 30 sanno ka dib inqilaabkii uu bilaabay , isagoo markan ahaa sarkaal ciidamo balaadhan wata .

 

Ugu danbayn ,Xasan kayd wuxuu ahaa sarkaalkaa Somaliland usoo halgamayay 1961 ilaa 1991 , ee labadaa dhacdaba kaga qayb galay aqoontiisii iyo xirfadiisii , sidaa darteed Xasan kayd wuxuu astaan u yahay Halganka Somaliland iyo soo noqoshadeeda , sidaa darteed waxaa haboon in aynu u magac darro maamuus ahaan meel ku haboon halgakiisii naf hurka ahaa .

Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...