Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 9aad

0
Saturday May 02, 2020 - 11:28:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 9aad

    Muxuu xaalkiisu noqonayaa qofka ku soomaya dhul aan cadceeddu ka dhicin?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu xaalkiisu noqonayaa qofka ku soomaya dhul aan cadceeddu ka dhicin?

Doodaha muddooyinkii ugu dambeeyey taagan ayey ka mid tahay su’aashani.Culimada qaarkood ayaa fatwooday in lala soomo Xaramka, culimada qaarkood ayaa iyagu fatwooday in dhulalka aan cadceeddu ka dhicin la soomaan waddamada jaarkooda ah ee cadceeddu ka dhacdo.Arrintan waxa aan ku talin lahaa in lagu ixtiraamo culimada aqoonta diineed leh ee waddamadaa aan cadceeddu ka dhicin ku nool fataahooda diineed, oo qof aan dhulkaas joogin fatwoon ama aan fatwadiisa la dhaqangelin sababta oo ah masalada waxa si maangalnimo ah u fahansan qofka dhibtaasi haysato ee caalimka ah, ijtihaadkiisa in la qaato ayaan ku talin lahaa.Candhuufta oo qofku liqo soonka ma jabinaysaa?



Waa dood laga xoog badan yahay in la yidhaa candhuuf ayaa soonka jabinaysa.Fuqahadu waxa ay u badan yihiin in aanu soonka jabin waxa afka ka soo baxa haddaanu dhiig ahayn.Sidaa ajligeed candhuuftu hadday kugu badato waad tufi, haddii kalena cunaha ayaad ku qoyn oo qallalka ugu diidi soonkana waxba yeeli maayo.


Qofka sannado badan soonku isku gaadhay muxuu yeelayaa?

Haweenayda muddo dheer sannadna jaqsiinaysa sannadna uurka leh iyo qofka muddo dheer xanuunsanayey oo soon isku gaadhay ugu horrayn waxa lagu leeyahay in uu soo qalleeyo soonkaa lagu leeyahay, haddii se ay ku adkaato in ay qalleeyaan muddada oo badan darteed raashiin ayey bixinayaan, sida ay qabaan saxaabada qaarkood sida Cabdillaahi ibnu Cabbaas iyo Cabdillaahi Ibnu Cumar.


Ma jiraan wax la isku khilaafsan yahay in ay soonka jabiyaan?

§  Hadduu qof bixiyo dhiig isaga oo sooman waa arrin laysku khilaafsan yahay oo culimada qaar waxa ay leeyihiin,"Waxa daciifaya awooddisii isaga oo marka hore ba iska daciif ahaa soonka dartii, sidaa ajligeed ma bannaana,” culimada qaarna waxa ay yidhaahdeen, "Way bannaan tahay hadduu qofku karayo kamana jabinayso soonkiisa,” waana sida loo badan yahay.

§  Dadka xiiqda qaba na  qaska ay afka ka qaatan soonka ma jabinayo sida loo badan yahay.

§  Qofka maalin Ramadaan istooba waxa loo badan yahay in aannu ka jabayn soonku.

 

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

 

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

 

Email: [email protected]

 

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

 

SheekhRakuub.wordpress.com

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...