Huteel Taleex Iyo Xaaji Aadan Afqalooc. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

0
Saturday May 02, 2020 - 10:53:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Huteel Taleex Iyo Xaaji Aadan Afqalooc. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

    Markii soomalidii xornimada qaadatay 26june iyo 1luulyo midowgii labada gobol ee waqooyi iyo koonfur,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii soomalidii xornimada qaadatay 26june iyo 1luulyo midowgii labada gobol ee waqooyi iyo koonfur,
waxa dhalatay midnimo soomaliyeed iyo qaran lawada leeyahay, hadaba intii ay xukunka hayeen dawladihii rayidka ahaa waxa ay madaxdii waayadaasi marinkii ka weeciyeen tubtii ay ku haboonayd kuna hagaagsanayd, xaajigu waqtigaa aan sheegayo wuxu u ambobaxay gobolka sanaag gaar ahaan degmada ceerigaabo halkaas oo ciil iyo calool xumo uu la joogay, markii xukuumadii rayidka ahaa la afgambiyey ee askartu dalka hogaanka u qabteen ayaa xaajigu ka yimid ceerigaabo waxa lagu soo dhaweeyey magaalada mugdishu ee caasimada soomaliya waxaana si maamuus ku dheehan yahay u soo dhaweeyey madaxdii hogaanka dalka haysay waxa la dejiyey midkamid ah huteeladii ugu bilicda badnaa dalka waa huteel taleex.

 

Intii uu halkaa deganaa waxa loo muujiyey noockasta oo ay soodhaweyni tahay waxaana kobtaa ugu yimid madaxweynihii dalka, wuxu deganaa mudo saddex cisho ah kadib xaajigu huteelkii waa kabaxay isagoo si dhaba u dareensanaa in bulshadiisa qaar badan oo kamid ah aanay haysan wixii ay jidiinka marin lahaayeen ee ay quudan lahaayeen wuxu damcay inu dadkiisa ku dhexnoolaado oo nolosha waayaheeda la qaybsado. Xaajigu mudadii uu joogay ceerigaabo wuxu gabayo badan ku tilmaamay inu xabaashiisa qotay isaga oo nool kadib markii uu nacay ficiladii siloonaa ee madaxdii xukuumadihii rayidka ahaa ay samayn jireen.



Saddex cisho oo uu heteel taleex deganaa xaajigu wuxu damcay inu ka baxo huteelka kadib waxa madaxdii dalka loo sheegay in xaajigu uu ka baxayo huteelka waxaanay amreen in xaajiga la dejiyo qol kamid ah guryihii dawlada oo ku yiiley xaruntii hore ee leegada.


Gabaygan xaajigu wuxu ku sheegayaa kobtii la dejiyey ee huteel taleex iyo sidii ay ahayd, kobtii sarta dheer ahayd ee laydha badnayd, kobtii mawjadaha bada laga daawan jirey, hudheelkii dhirta badnaa ee aad keynta moodaysay, meeshii udugeeda kii janada aad moodaysay, hudheelkii adeega badnaa, hudheelkii iskaa wax u qabso lagu dhisay, hudheelkii madaxdii dawladu joogtay, gabogabada gabayga ayuu xaajigu codsanayaa in huteelka la dejiyey ay u dhaanto meel yar oo uu jiifsado sidaas ayuu codsanayaa in madaxdu ka aqbasho runtiina way ka aqbaleen waxaanu yidhi:


·       Irtifaaca meeshii lahayd aada iyo laydha

·       Oogadii halkii ay hawadu iiga imanaysey

·       Halkaan mawjaddii ka arkayiyo Aylankiyo xeebta

·        Meeshii ashjaartiyo badnayd ayda iyo kaynta

·       Meeshaad udgoonkii jannada ubaxa moodaysey

·       Anfacaba adoon cunin halkaad ku istareexaysey

·       Meeshii adeegyada badnayd edebsanoo fiican

·       Meeshii alaabtii la dhigay Uruba loo doonay

·       Meeshii xarrago loo ebyoo uunka wada deeqday

·       Meeshii iskaa lagu dhisoo guushu ku ebyoontey

·       Meeshii shirkii Uunadiyo Ururka weyn qaadday

·       Meeshay isku arkeen raggii amarka loo dhiibey

·       Meeshuu guddoonshe u ahaa aaddanow Maxamed

·       Meeshii aclaantii la sudhay qaaradda Afriika

·       Meeshuu iclaankii Siyaad umamka gaadhsiiyey

·        Meeshii Taleex lagu ismiyo aayihii xarunta

·       Anigoon dhib arag oo waxan idhiba lay yeelo

·        Oo waxaan anfaco rabo dhakhsiyo edeb la ii siiyo

·        Aqalkii ka soo baxay halkaad igu ogaydeene

·        Ikraamkiinna qaataye naftaan ii aqabalihayne

·        Awooddaa ka gaabaniyo cimriga aynigaan jiraye

·        Hadduun baan ifka u soo baxee Aakhiraan tegeye

·        Waxaan ahay ninkii iilka galay Ceerigaaba ahe!

·       Rugta amarra weyntaa lehiyo duul ajaanibahe

·        Iskaa wax u qabsiyo meel yar baa iiga agab roone

·       Sidaasaan warkii ku abyey oo ii asbaabo ahe

·       Idna iga aqbala taagta waad iga arkaysaan.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...