Qisadii Nabi Daa'uud. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

0
Saturday May 02, 2020 - 10:46:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 3137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisadii Nabi Daa'uud. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

    Markii uu geeriyooday ee alle oofsaday nabi muuse (cs)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii uu geeriyooday ee alle oofsaday nabi muuse (cs)
waxay reer bani israa’iil soo galeen baladka falastiin halkaas oo ay degmaysteen oo ay dageen. Sanado badan ayaa ay reer bani israa’iil yaaleen falastiin kuna nimcaysnaayeen.



Waqti waqtiyada kamid ah ayaa ay jidkii toosnaa ka lumeen oo ay wado dhuxul qaadeen iyagoo ka tegay cibaadadii ilaahay markaas ayaa eebe weyne ku saliday qolo daran oo xoog iyo xiriba isku geysatay kuwaas oo dulaystay reer bani israa’iil sidoo kalena jabiyey xoogoodii.


Intaas kadib ayaa ay reer bani israa’iil eebe weyne u tooban keeneen waxaana u soo baxay oo u dhashay nin karmeed gobonimo ku dhantahay kaas oo lagu magcaabi jirey "daaluut” wuxu ahaa nin geesi ah oo aan cadkiisa loo muhankarin wuxu urursaday ciidan badan si uu ula dagaalamo kuwaa xooga badan ee uu hogaamiyo ninka "jaaluud la yidhaahdo” ninkaas oo ah dagaalyahan qalbi adag kaas oo ay ka baqeen in reer bani israa’iil ay dagaal ugu baxaan.


Ilaahay ayaa u dooray wiil da’ ahaan yar oo lagu magcaabo daa’uud kaas oo kasoo dhex baxay ciidamadii daaluud ee la dagaalamayey jaaluud waxaanu ku halgaaday dhagax halkaas oo uu ku diley daaqigii weynaa ee jaaluud sidaas ayaanay reer bani israa’iil kaga guulaysteen cadowgoodii weynaa taasina waxay ahayd galad eebe siiyey reer bani israa’iil.


Daa’uud waa weynaaday oo koray oo kaalin galay waxaanu u noqday boqor weyn reer banii israa’iil, daa’uud wuxu dhab u aaminsanaa qiimaha uu leeyahay in qofku shaqaysto shaqo xalaala oo gacantiisa uu kula soo baxo, sidaa awgeed ayuu samayn jirey qalabka gaashaanka ee dagaalka.


Eebe weyne wuxu hibo u siiyey daa’uud cod tolmoon oo qurux badan, wuxu ahaa mid ku tukada oo tasbiixsada codkiisa macaanka badan kaas oo quluubta dadka ka qiirayn jirey, khushuucdii ugu badnayd  ee nabi daa’uud wuxu ka heli jirey cibaadada tasbiixda.

 

Waxaanu ilaahay amray in shimbiraha iyo buuraha  uu la tasbiixsado, nabi daa’uud (cs) wuxu ilaahay kusoo dajiyey kitaab la odhan jirey "sabuur”.


Maalin maalmaha kamid ah nabi daa’uud oo fadhiya mixraabkii uu ku tukan jirey ee uu eebe ku caabudi jirey ayaa uu amray ilaaladiisii in aanay cidna u ogolaan inay u soo galaan, si lama filaana ayaa waxa ugu soo galay kobtii uu ku tukanayey laba nin oo murmaya, nabi daa’uud ayaa ku yidhi maxaad ahaydeen?.


 Mid kamid ah ayaa ugu jawaabay sayidkayagiiyoow ninkan waan is haysanaa, ninkan waa walaalkay wuxu leeyahay 99 neef oo ido ah aniguna waxaan leeyahay neef ido ah oo keliya, neefkii ayuu rabaa inu iga qaado si uu ugu dhamaystirto 100 ido ah oo ay ugu noqdaan tiro ido ah, daa’uud ayaa ugu jawaab celiyey wuu ku dulmiyey hadii uu laxdaadii ku weydiistay si uu ugu darsado kuwiisa.


Nabi daa’uud ayaa ogaaday in ilaahay uu doonaayo in garsoorka dadka aan lagu dhawaaqin ilaa la dhagaysto labada qof ee doodu dhex marayso dhamaantood intaa kadib ayaa daa’uud ilaahay u sujuuday oo dambi dhaaf weydiistay.


Nabi daa’uud ilaahay wuxu ku galladay kuna arsaaqay wiil suleymaan la yidhaado, maalin maalmaha kamid ah nabi daa’uud oo dhex fadhiya dad uu kala xukumayey ayaa waxa kusoo beegmay suleymaan, dadkii waxay ku doodayaan in adhi uu nin lahaa uu soo galay beer hawrtay kadibna xoolihii ay daaqii cuneen, nabi daa’uud ayaa ku weydiiyey ninkii kale arintaasi ma jirtaa?,  ninkii kale ayaa yidhi haa way jirtaa Wuxu gudoomiyey nabi daa’uud in ninka beerta iska lihi uu qaato xoolaha badalkii beertiisii baaba’day.


Suleymaan ayaa ka dalbaday aabihii inu u ogolaado inu sheego garsoor kale oo aan ahayn ka aabihii wuxu yidhi "aabo ninka beerta iska lihi ha qaato xoolaha si uu ugu intifaaco inta beerta loo beerayo, ninka adhiga lihina ha beero beerta si hadhow nin walba wixiisa loogu soo celiyey oo kii beerta lahaa beertiisa loo siiyo markay gaadho halkii laga rabay, ka adhiga haystana uu adhigii soo celiyo marka beertii loo beero” waa xukun wanaagsan sulaymaanoow eebaa mahad iska leh allihii iskaa siiyey sidaa waxa yidhi nabi daa’uud (c.s).

 

Daa’uud wuxu intaa kadib ku noolaa qalbi wanaagsan, ilaahay wuxu u hibeeyey sulaymaan oo uu ku manaystay garsoor iyo xukun wanaag badan reer bani israa’iil dhexdooda, intii aanu geeriyoon nabi daa’uud wuxu u dardaarmay suleymaan in uu ku dedaalo cibaadada ilaahay oo aanu ka habaabin wadada saxda ah.

Daa’uud waa geeriyooday waa ay u baroorteen reer banii israa’iil boqorkoodii iyo nabigoodii ka baxayba.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...