Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (3)

0
Friday May 01, 2020 - 19:54:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (3)

    Socdaal Sahamiye oo weriye Soomaaliyeed ahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Socdaal Sahamiye oo weriye Soomaaliyeed ahi
waxa uu sii ambaqaadayaa waraysigii uu la yeelanayey Jidbixiye Laangooye oo ka mid ah mas'uuliyiinta dhaqdhaqaaqa MKM oo ah urur cusub oo dhowaan lagu dhawaaqay. Tani na waa qaybtii 3aad ee waraysigaas taxanaha ah:


Socdaal: Soonqaad suubban.


Jidbixiye: Soonqaad wanaagsan.


Socdaal: Sidii aad qaybtii 2aad ee waraysiga ku sheegtay, waxa aad tidhi Itoobiya waa waddan weyn oo is beddel ka socdo, is beddelkaas waxa aad sheegtay in fursado Soomaalida ugu jiraan. Sidee la isku waafajin karaa damacii soojireenka ahaa ee Itoobiya ee ku aaddanaa dhulka iyo badda Soomaaliya iyo is beddelkaas?


Jidbixiye: Waa dhab oo damacaasi waa mid jira, waxa se loo baahan yahay in damacaas laftiisa fursado loo beddelo. Cadaawad guun ah ayaa, labada dhinac, Soomaaliya iyo Itoobiya dhawrkii qarni ee u dambeeyey dhex taalley.


Waa in cadaawaddaas dano/wada noolaansho isu dheellitiran lagu bedddeli karaa, si saboolnimada baahsan ee labada bulsho iyo dibudhaca tigraaran ee labada dal loo yareeyo.


Waa in halkii taangiga qafilan iyo qoriga laga soo iibsanayey laga maarmi karaa oo laga soo iibsan karaa cagaf cagaf ilko badan oo beero jeexda iyo faraley farraarro badan oo beerta xagaafta.


Waa in halkii cabsida iyo kala shakiga la gelin karaa wax is weydaarsi iyo wada macaamil sharci  iyo is tixgelin ku salaysan.


Laba dawladood oo xidhiidh siyaadadeed iyo dhaqaale oo isu dheellitiran abqaala ayaa labada bulsho waxtar u yeelanaya. Hoggaamiyayaal aragti dheer oo danaha  bulshooyinkooda u daacad ah ayaa taas gaadhi kara, kana midho-dhalin kara.


Socdaal: Soomaaliya waxa ay aaminsan tahay in dhul iyo dad Soomaaliyeed ay u tasoobeen Itoobiya oo ku maqan yihiin. Sidee arrintaas laga yeelayaa?


Jidbixiye: Waa dhab in dhul iyo dad Soomaaliyeed ka mid yihiin dhulweynaha Itoobiya.


Xaquuqda iyo xaqooda siyaasadeed ayay dadkaasi maanta leeyihiin oo iyagaa is maamula sida qawmiyadaha kale ee Itoobiya, iyagaana iska leh masiirka iyo aaya-ka-tashigooda.


Ma suuroobi karto maanta xoog iyo xabbadi in la isu adeegsado. Loo ma baahna dagaal dambe iyo burbur. Xaalku waa in laga fekeraa cagaf, mandaraq iyo majarafad ee ma aha in taangi, qori iyo rasaas maskaxda lagu sii hayo.


Waa in la beddelaa dabcigaas xoogga iyo dagaalka ah. Waa in la la iman karaa dabci cusub oo kaas duugga ah ka horjeeda oo ku salaysan wax is weydaarsi af iyo addin ah.


Socdaal: Hiyigii Shan Soomaaliyeed oo calan wadaaga miyaad ka tanaasulaysaan?


Jidbixiya: Jabuuti waa dal maanta madaxbannaan. NFD iyo Degaanka Soomaalida ee Itoobiya waxa ay hoos tagaan waddanada ay ka tirsan yihiin. Jirrada na haysaa ee aannu furdaaminaynaa maanta ma aha Shanta kala maqan ee Soomaaliyeed ee waa ka soo kabashada burburkii weynaa iyo qaranjabkii Soomaaliya ka dhacay iyo sidii looga heshiin lahaa wixii muddarrooyin dhacay, loona midayn lahaa Hargeysa iyo Muqdisho.


Socdaal: Dad baa aaminsan mar haddii midnimo Soomaaliyeed laga hadlayo in Shantii laga hadlo oo la is la doonto. Miyaanay taasi ka saxnayn tiinna ah in Hargeysa iyo Muqdisho oo keli ah la is raadiyo?


Jidbixiye: Taasi waa nin madaxu buko oo lugaha deyey! Qofka ka meermeeraya maanta in laga shaqeeyo in Waqooyi iyo Koonfur la isu soo dhoweeyo oo la mideeyaa, berrina ma hawaysan karo in uu wax ka weyn samayn karo. Dooddaasi waa madhalays iyo marmarsiinyaa muska ii galay, lagu na deedafaynayo in Waqooyi iyo Koonfuri wax wada yeeshaan sida maanta darayga ah.


Socdaal: Midnimadii Hargeysa iyo Muqdisho ee 1960, waxa reer waqooyi badani qabaan in ay ku khasaareen oo aanay dhib mooyaane waxba ka dheefin,   midnimo kale oo ay Xamar la galaanna ay taas hore uga dhigan tahay, yeedhmooyinkaas saw wax kama jiraan?
Jidbixiye: Yeedhmooyinku waa ay jiraan, sax se ma aha.


Socdaal: Waayo. Maxaad ku gudbi?


Jidbixiye: Is raacii 1960 waxa uu ahaa isir wacan. Midnimadu waa wax wanaagsan.

Wadajirku waa isku tiirsi tamar iyo awood yeesha, kala qaybsanaantu na taag darro ciirciirid iyo kufitaan keena.


Markii 1960 la is raacay Qaran Soomaaliyeed oo haybad lahaa ayaa ka soo baxay oo guulaysan kari lahaa haddii si wacan loo maamulo.


Midnimadu sax bay ahayd ee waxa khaldanaa sidii wax loo qorsheeyey iyo sidii wax loo maamulay.


Midnimada cusub ee maanta aannu dhiirrigelinaynaa na waa mid loo meel dayayo, iyada oo laga faa'iideysanayo khaladaadkii la galay 1960 iyo maamul xumaantii ka dambeysey ee keentay burburkii iyo qaranjabkii Soomaaliyeed.


Socdaal: Maxay ahaayeen khaladaadkaas la galay, sidee se maamulku u xumaaday?


Jidbixiye: Siyaasiintii iyo madaxdii reer Waqooyigu ee waagaasi ma aanay diyaarsan qorshe midnimo iyo talo ay ku wada socdaan, waxna ma ay sii dhisan markii ay xornimada qaateen aan ka ahayn 33 xildhibaan iyo afar wasiir oo laga dhex doortay.


Dhinaca Koonfureed waxa ka jirey maamul-ku-meel-gaadh ah oo haykalkii iyo hay'adihii dawladeed u wada bilaaban yihiin.


Laba isir oo is ceshan kara ama isu dhigmi karaa horta ma midoobin. Nimankii qorshaha iyo talada ay ku wada socdaan ahaa midnimo aan shuruud lahayn oo keli ahi waxa galeen af libaax. Waxa liqay niman ay hay'ado dawladnimo u dhisnaaayeen.


Taas waxa soo raacay, in si xun loo maamulay midnimadaas oo musuq, qaraabakiil, eex iyo boob lagu caseeyey dawladnimadii curdinka iyo carjawda ahayd ee Soomaaliyeed (1960 -1969).


Afgembigii ka dib na, wax kasta oo Soomaalida u qabsoomay, waxa ay ku dambeeyeen xoog iyo jujuub horseeday kala haabkii iyo kala haadkii Soomaalida kala irdheeyey, ilaa maanta na lagu kala higgoonayo.


FG: Midnimadii 1960 reer waqooyiga oo qudhihi kuma khasaarin ee Soomaali oo dhan baa ku khasaarowdey.


Unity is strength, division is weakness.
Midnimo waa awood, kala qaybsanaani waa taag darro.


"Tabantaabaday laba gacmood tamar ku yeeshaan".

"Ninkii midigta laga taabayow bidixdu waa maaf".


Ilko na wadajir bay wax ku gooyaan.

"When spiders unite, they can tie down a lion". Caaro ururtay libaax bay dabi/dabri ama xannibi kartaa.


Alle na, swc, waxa uu inagu boorriyey. :Xadhiggayga qabsada oo ha kala tegina......".Suuradda Al Cimraan, aayadda 103.


La soco qaybta 4aad, HAI.

Ha la soomooy
Ha la soomooy
Soddonka Ramadaan
Ha la soomooy.


Maxamed Baashe X. Xasan
[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...