Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 8aad

0
Friday May 01, 2020 - 19:50:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 8aad

    Cadayga gelinka dambe Soonka wax ma Jabiyaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadayga gelinka dambe Soonka wax ma Jabiyaa?

Rasuulku NNKH, wuxu yidhi, "Qofka sooman urta ka soo baxda afkiisu, Ilaahay agtiisa udugga Miskiga uga udgoon.” Aqoonyahanka diineed waxa ay iswaydiiyaan urtu ma afka ayey ka soo baxdaa mise caloosha?Culimada qaarkood ayaa ku tagay afka oo u badan Shaaficiyada, waxa ay ku tilmaamaan cadayga gelinka dambe in uu karaahiyo yahay.Laakiin badi aqoonyahanka diineed waxa ay qabaan in aanu karaahiyo ahayn cadaygu qofkuna xilli walba uu cadayan karo.



Biyaha  taranka oo la iska keeno soonka ma jabiyaan?

Haddii qofku si ula kac ah isaga keeno biyaha taranka, waxa jabaya soonkiisii, waxana lagu leeyahay qallo maalintaas ah, se haddii si aan iska keenis ahayn ay kaaga yimaaddaan, tusaale ahaan qofka oo hurda oo aan is ogayn, soonkaasi maaha mid jabaya. Biyaha taranka haddii qofku gacantiisa isaga keeno ama isaga oo xaaskiisa la fara-ka-ciyaaraya uu ka yimaaddo soonkaasi wuu jabayaa.


Sifaynta Kalyuhu Soonka ma jabinaysaa?

Fuqahada Islaamku waxa ay fatwodeen wax kasta oo jidhka galaya oo nafaqo jidhka u sida in uu jabinayo soonka. Laakiin wax kasta oo jidhka galaya oo aan nafaqo lahayn sida irbadda la isku mudo, naqaska xiiqda loo qaato iyo waxyaallaha la midka ah in aanu jabinayn Soonka. Sida oo kale wax kasta oo jidhka ka baxaya sida dhiigga la shubayo oo kale in aanu jabinayn haddaan qofka caafimaadkiisa wax yeellayn sida in uu miirdorsoomo oo kale in aanu soonkiisu jabayn ayey u badan yihiin.


Qofka kalyaha loo sifaynayaa waa qof xaalad caafimaadxumo ku jira, waxa u habboon in uu fursaddaa Rabbi SWT, siiyey qaato ee ah in aannu soomin.Haddii uu ku adkaysto in u soomo, xejisan karayana wax dhib ah ma laha, sababta oo ah sifayntaasi shaqo kuma laha dheecaanada jidhka quudiya, sidaa ajligeed soonkiisa waxba yeeli mayaan sida culimada mucaasiriinta ah u badan yihiin.


Sigaarku Soonka ma Jabiyaa?

Cabbista sigaarka culimada mucaasiriinta ah waxa ay u badan yihiin in uu xaaraan yahay.Sababta loo xaarantinnimeeyeyna waa caafimaadka qofka oo uu waxyeellayo.Qofka sooman sigaar haddii uu cabbo soonkiisu ma jabayaa waa dood muddooyinkii u dambaysay soo xoogaysanaysay.Aqoonyahanka diineed badhkood ayaa ku tagay in aanu soonka jabinayn, iyaga oo ku sababeeyey in aanu gudaha u dhaadhacayn ee afka iyo inta soke qiiqiisu uu joogayo.Laakiin badi culimadu sida ay caddeeyeen dhakhaatiirtuba waxa uu u dhaadhacaa sambabada nuugistiisu, sidaa ajligeed waxa ay ku tageen in uu soonka jabinayo. Midda kale wax kasta oo xaaraan ah haddii qofku uu la yimaaddo inta uu sooman yahay soonkiisuna wuu jabayaa. Waxa mudan qofka sooman ee ajar doonka ah in uu fursad uga dhigo bishan Ramadaan oo uu balwadaha uu leeyahay uga faa’ideeyo in uu joojiyo, isaga oo Rabbigii u soomanna aanu soonkiisa ku burburin sigaar.


Qofka ku afura eeddaan khaldan?

Nabi Maxamed NNKH, wuxu sheegay in aragti lagu soomo, aragtina lagu afuro. Shardiga afurku waa in cadceeddu dhacdo, qofka afura iyada oo aan cadceeddu dhicin waxa ku waajib ah in uu soo qalleeyo maalintaas. Qofku haddii uu is moodsiiyey ama xaqiiqsaday cadceeddu in ay dhacday oo marku afurayna soo baxday qalle ayaa lagu leeyahay, haddii eedaan khaldan uu ku afurayna isna wuu soo qallaynayaa. Waxana ay tahay iimaamyadu in ay hubsadaan xilliga ay eedamayaan, hadday masuuliyad darro ku eedaamaan iyagaa qiyaamaha la waydiin.

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

 

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

 

Email: [email protected]

 

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

 

SheekhRakuub.wordpress.com

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...