Wax Soo Saarka Warshadaha
Mudadii hadda xanuunkani jiray waxa isa soo taraya baraaruga ay wadamo badan ku baraarugeen muhimada uu leeyahay wax soo saarka guduhu. Baraarugan waxa u sabab ah laba arimood oo kala ah:
1. Korona oo shirkado badan baray in ku tiirsanaantii lagu tiirsanaa wadanka Shiinuhu ay keentay in alaabooyin badani hal mar go’aan.
2. Alaabooyinkii lagu guuleeystay in Shiinaha laga soo diro oo soo daahay, sababtoo ah maadama aanay jirin alaab badan oo la soo raraa maraakiibtu ma dhaqaaqayso ilaa ay helaan xadi la yaqaan oo alaab ah.
Labadaas arimood waxay sababeen in la fahmo muhimada uu leeyahay wax soo saarka guduhu oo la sameeyo warashado cusub, halka warashado hore u jirayna ay alaabooyin cusub kusoo kordhiyeen wax soo saarkoodii hore.
Warshadaha cusub waxa u tusaale ah warshadaha Mask-ga wajiga lagu xidho oo laga aasaasay wadamo badan oo Yurub ah. Warshadaha wax soo saarkoodii hore ku soo daray alaabooyin cusub waxa tusaale u ah warshadihii khamriga ama alkoholka oo soo kordhiyey soo saarista dareeraha lagu falaxasho ama gacmaha lagu dhaqo.
Soomaalida Maxaa La Gudboon
Soomaalida waxa la gudboon in ay aduunka isbadalaya la jaan qaadaan oo ay la yimaadaan hal-abuuro ganacsi oo u badan warshado siiba kuwa yaryar, si waxyaalaha qaar dibada laga keeno looga kaaftoomo iyo si dhalinta shaqo abuur loogu sameeyo.
Warshadaha soomaalidu gudaha dalkooda ka sameeyn karaan waxay tusaale ahaan noqon karaan warshada daqiiqda/burka, warshada bacaha, warshada qalabka dhismaha iyo warshada masaabiirta. Badanka ganacsiga warshadahaasi waa mid weli banaan oo laga faa’iideysan karo.
Waa run oo waxaad la yaabantahay sababta badanaa alaabta dibadu uga qurxoon tahay alaabta gudaha, balse jawaabtu waxay tahay warshadaha guduhu ma sameeyaan horumar joogto ah.
Tusaale ahaan sariiraha iyo kuraasta dalka waxa ka qurxoon kuwa laga keeno Shiinaha iyo Turkiga, sababtuna waa in kuwa dalku aanay si joogto ah u casriyeyn warshadooda iyo shaqaalahaba oo aan la sii horumarin xirfadooda maadaama aanay shaqaaluhu xirfad hore lahayn.
Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsatada
Dowladdu waa inay hawlo badan ka caawisaa ganacsatada warshadaha dalka keenaya sida inay u agaasinto goobo lagu barto xirfadaha farsamada gacanta ee looga baahaneyey warashadaha, si looga maarmo in ajaanib loo yeedho markasta oo ay wax xumaadaan.
Dowladdu waa inay ganacsatada la raadisaa siday warshadahooda ugu heli lahaayeen koronto jaban oo dowladda iyo ganacsatadu wada leeyihiin. Waxa kale oo iyana muhiim ah in dowladdu cashuur badan saarto alaabaha dabada, si loo iibsado ta dalka.
Ganacsatadu waa inay fahmaan in wada jirka meel fog lagu gaadhi karo oo tusaale ahaan halkii warshadda hal qof ka yeelan lahaa waxa wada yeelanaya dad faro badan, taas oo saamaxaysa in dad kala duwan oo aan reer keliya ahayni ka faa’iideeystaan.
Ganacsatada warshadaha leh sidoo kale waa in ay wada shaqayn dhow la yeeshaan jaamacadaha oo ay maalgaliyaan cilmi-baadhisaha gaar ahaan kuwa la xidhiidha wax soo saarka warshadaha iyo horumarintooda. Wada shaqaynta jaamacadaha waxa laga faa’iidaa ganacsadihii oo fikrado cusub ka hela ardayda iyo ardaygii oo aqoontiisii hadalka ahayd wax la taaban karo u badala.
Gunaanadkii waa in qurbojoog iyo qolqoljoogba lagu baraarugaa in la isu tashado oo baryootankii sodonkii sanno ee u danbeeyey lagu jiray loo badalaa isku filnaansho iyo horumar dhankastaba ah, waayo hadii maanta la maalgashan waayo wax soo saarka gudaha waxa maalgashan doona ajaanibta usoo haajirta dalka kadibna la wareegi doona ganacsiyada ugu waaweeyn ee dalka.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!