'' Wiilkii Gangs Khan '' .

0
Friday May 01, 2020 - 11:45:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Wiilkii Gangs Khan '' .

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje


Amiir Siciid Mira Caalim Khaan , wuxuu ahaa amiirkii ugu danbeeyey ee amiiradii xukumi jirey Saldanadii Mangud ee xukumi jirtay wadanka haatan loo yaqaano Usbakistan ee xarunteedu ahayd magaaladd Taariikhiga ah ee Bukhaara .

 

Amiir Siciid wuxuu xukunka qabtay Bishii Jenuary-3-1911 waxaanu xukunka hayay ilaa 30-ogost 1920 , xiligaas oo Ruushku xukunka ka tuurey .

 

Bukhaari waxay ahayd mid heshiis ilaalin ah kula jirta Boqortooyadii Ruushka ilaa 1873 , hasa yeeshee Markii Ruushku shuuciga noqday ayuu kusoo qaaday dagaal 1918 waxaana ka adkaaday Amiirka hassa yeeshee 1920 ayaa xoog laggu qabsaday amiirkuna wuxuu u baxsaday Afganistan kuna geeriyooday .

 

Hadaba sheekadda xiisa lihi waxay tahay , Amiir siciid wuxuu ahaa ninkii ugu danbeeyey taliskii Mangooliyiinta ee uu aasaasay ninkii habaar qabaha ahaa ee Gangs Khan ee badiba cagta mariyay aduun waynaha qarnigi 13 aad , Amiir siciidna wuxuu toos ugu abtirsanayay Gangs khaan , waxaanay qoyskiisu xukunka iska dhaxlayeen ilaa waagaas , Amiir siciidna wuxuu ahaa suldaankii ugu danbeeyey tafiirtaas mudada dheer talinaysay .

 

Dhinaca kale , Amiir siciid wuxuu ahaa nin sheekha oo islaama oo aad loo jecel yahay , cadaaladda badan , musuqa neceb , aabayaashiina sidaas oo kale ayay culimo u ahaayeen , waxa kale oo xiiso leh in badiba tatarkii kasoo jeeday taariikhdii Gangs khan ay maanta islaam yihiin aadna islaamka ugu adag yihiin .

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...