Madaxweynaha Nigeria Oo Xil U Magacaabay Qof Dhintay

0
Friday May 01, 2020 - 09:06:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Nigeria Oo Xil U Magacaabay Qof Dhintay

    "Wuxuu dhintay isaga oo magacaaban "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wuxuu dhintay isaga oo magacaaban "


Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa nin dhintay u magacaabay in uu xubin ka noqdo guddi hoostaga laan ka tirsan dowladda.


Wareegtada uu madaxweynaha xilkaas ugu magacxaabay ayaa soo baxday 2 bilood kaddib geeridiisa.

Madaxweyne Buhari ayaa warqad ay ku qoran yihiin magacyada 37 qof oo uu isaga soo magacaabay ku qoran yihiin u diray aqalka senetka si ay u ansixiyaan, balse madaxweynaha kama uusan war heyn in Tobias Chukwuemeka Okwuru uu geeriyooday bishii February.



Madaxa warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Lauretta Onochie, ayaa sheegtay in Tobias Chukwuemeka Okwuru xilka loo magacaabay isaga oo nool.


"Wuxuu dhintay isaga oo magacaaban xilli uu sugayay in xildhibanaada senetka ay ansixiyaan, wararka ku saabsan geeridiisana wax xiriir oo lagala sameeyay ma jirto dhinaca dowladda" ayay tiri.


Ma ahaan markii ugu horreysay ee madaxweynaha Nigeria uu xil u magacaabay dad dhintay.


Sanadkii 2017-kii, madaxweynaha wuxuu xilal u magacaabay ugu yaraan shan qof oo muddo dheer ka hor dhintay.


BBC

Loading...
Loading...