Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Iskugu Jira Oo Ka Dhacay Baligubadle
War Deg Deg Ah
Baligubadle (HWN) Hal qof ayaa dhintay laba kalena way dhaawacmeen kadib markii ciidamada Booliska ee gobalka Hawd ay rasaas ku fureen gaadhi nooca Somalidu utaqaano Tukhaanka (Fitis) oo ay uga shakiyeen inuu qaad sido .
Gaadhigan ayaa maraayay deegaanka Bidhiiqa oo ilaa 10 KM Baligubadle kaga beegan dhinaca bari.
sidoo kale gaadhi gurmadka deg deg ah ee anbalaska ayaa isna jidhay hal qof isago sida meydkii iyo dhawaaca.
Waxaana lagu soo waramayaa qofka uu jiidhay gaadhiga gar gaarka deg dega ahi nuu isna dhaawacyahay.
Hadhwanaaagnews
Loading...
Loading...