Qof Looga Shakiyay Covid19 Oo Maanta Lagu Aasay Magalada Boorama SAWIRO

0
Thursday April 30, 2020 - 22:03:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof Looga Shakiyay Covid19 Oo Maanta Lagu Aasay Magalada Boorama SAWIRO

    "marxuunkan ayaa noqonaya kii 2aad ee Awdal ku geeriyooday tuhun-ka ah inuu covid-19"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"marxuunkan ayaa noqonaya kii 2aad ee Awdal ku geeriyooday tuhun-ka ah inuu covid-19"

                                                                                                                                                                                    

Boorama (HWN) Qof looga shakiyay Caabuqa Coronavirus ayaa maanta lagu aasay magaalada Boorama, waxana la arkayay Alle ha u  naxariistee maydka marxuunkan oo baabuurkii lagu waday ay hareera saaranyihiin rag qufulan oo u muuqaal eeg hawlwadeenada caafimaadka ee la tacaalaya caabuqan coronavirus.



 

Masuuliyiinta dawlada oo ay suxufiyiintu la xidhiidheen ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan marxuunkan iyo sababaha uu u geeriyooday.

 

Dhinaca kale ilo wareedyo ka gaabsaday magacooga oo marxuunka ka agg-dhawaa ayaa sheegay in uu u geeriyooday xanuun caadi ah oo dhaqtarka loo dhigay balse aanu ahayn caabuqan covid-19.

 

Si kastaba ha haatee, marxuunkan ayaa noqonaya kii 2aad ee Awdal ku geeriyooday tuhun-ka ah inuu covid-19 u dhintayna ay geeridiisa hadhaysay, waxana intan dheer maanta in muuqaalka ay bixinayeen raga qufulan maydka sii raacay uu ahaa mid shaki badan ku abuuray dad-waynaha boorama oo gabi ahaanba la’ cid war ka siisa xaalka covid-19 ee magaalada Boorama.

 

Waxana xusid mudan in warla’aantan cabsida ku abuurtay reer Boorama ay tahay mid ka dhalatay  madaxdii la doortay iyo gudidii ka hortaga caabuqan covid-19 ee gobolka oo noqday kuwo u xuubsiibtay ciidan turbataariyo ah oo subax walba u soo kalaha raacdada jaad kootarabaan ah, qabashadiisa iyo gubidiisa, taas oo meesha ka saartay hawlahii wacyi galinta caabuqa coronavirus ahaa ee ay bulshadu u baahnayad.

 

Maxamed Bili Bili

Hadhwanaagnews

Boorama/Office

Loading...
Loading...