Dawlada Soomaaliya Oo Warbixin Cusub Ka Soo Saartay Heerka Uu Ka Marayo Coronavirus
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay54xaalado cusub oo COVID-19 ah oo40kamid ah ay rag yihiin14-na ay haween yihiin. Dhammaan bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir.Halbukaan ayaa ka bogsooday xanuunka.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 582, waxaana ka bogsoodaylabaatanRuux.28ruux ayaa u geeriyootay cudurka.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta faafitaanka Feyryska Karoona.
Dowladda ayaa sameysay qorshe guud oo lagu xakameynayo faafitaanka iyo saameynta kale ee COVID-19. Waxaa la hir geliyay Isbitaallo lagula tacaalo bukaannada uu haleelo Feyruska Karoona, waxaana dalka soo gaaray qalab caafimaad oo dowladdu soo iibsatay.
Taageero isugu jirta qalab caafimaad iyo dawo qayb ka ah awood siinta dowlad gobaleedyada ayaa dowladdu gaarsiisay qaar kamid ah Dowlad gobaleedyada iyada oo sidoo kale taageero taa lamid ah la gaarsiinayo dowlad gobaleedyada kale.
—DHAMMAAD—-