Xukuumada Somaliland Oo Xoog Kula Wareegtay Huteelka Hargaysa Club

0
Thursday April 30, 2020 - 11:46:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Xoog Kula Wareegtay Huteelka Hargaysa Club

    "Hotelkan oo hadda dhammaad ku dhawaa ayaa xalay la geeyay ciidamo Boolis ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hotelkan oo hadda dhammaad ku dhawaa ayaa xalay la geeyay ciidamo Boolis ah"


Hargaysa (HWN) Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay Hotelka Hargeysa Club oo laba mu'waadin hore maalgashi ugu sameeyeen kadib markii xukuumaddu muddo 30 sannadood ka kiraysay.

 

Tababaraha caanka ah ee Jaamac Karaaciin, iyo Suldaan Siciid Yuusuf Du'caale, ayaa ahaa labada qof ee Hotelka dhisayay.

 

Hotelkan oo hadda dhammaad ku dhawaa ayaa xalay la geeyay ciidamo Boolis ah

 

Qoraal wasaaradda Hawlaha guud qortay ayaa lagu sheegay in xukuumaddu rasmi ahaan uga laabatay heshiiska hore loogu kireeyay Hotelka.

 

Weli ma cadda sababta xukuumaddu xilligan heshiiska uga laabatay iyadoo Suldaan Siciid iyo wefdi xukuumadda Somaliland ka tirsani hawlo nabadayn ay u joogaan gobolka Sanaag.

 

Dawladdii Daahir Riyaale, ayaa heshiiska  gashay iyadoo xukuumadda hadda ee madaxweyne Biixi-na sii cusboonaysiisay muddo 30 sannadood ah.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office


Loading...
Loading...