Berbera Oo Maanta Bilaa Koronto Ah + Sababta
Berbera (HWN) Magaalada Berbera oo ah magaalo xebeed ayaa saaka ilaa maantaba Korontadu ka maqnayd.
Koronto la’aanta ayaa timid markii la soo raray goobihii ay yaaleen mashiinadu ee dekeda qalalan ee Wajaale.
Sababta mashiinada loo raray ayaa lagu sheegay in ay tahay inuu bilaabmay in dekeda berbera ay ka dhoofaan xoolo badani.
Xoolahan badan ee dekeda ka dhoofaya ayaa mashiinada halkii ay yaaleen soo gaadhay
Fariin ay bulshada u dirtay dawlada hoose ayaa lagu sheegay in la samro inta shaqadu socoto.
Magaalada Berbera oo ah magaalo xebeed ayaa maanta kulaylku waxa uu marayaa 37C marka lagu cabiro darajada kulaylka
Magaalada berbera ee cimiladeedu tahay hawada qalalan ayaa ah meelaha aan kulaylka bulshada ku dhaqani u adkaysan karin,waxaana ugu sii darsan tahay kulayl xad dhaaf ah.
Hadhwanaagnews
Berbera/Office