War Deg Deg Ah: Xukuumada Oo Xidhay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Awdal
Boorama (HWN) Ciidanka amaanka somaliland ee gobolka awdal ayaa xabsiga u taxaabay guddoomiyaha xisbiga wadani Maxamed Aadan saleebaan kaas oo suxuurtii loogu daatay gurigiisa.

Xadhiga guddoomiyaha wali war rasmi ah kamay soo saarin ciidanka boolisku waxaana lala xidhiidhinayaa eedo uu xukuumada u jeediyay.
Guddoomiye maxamed ayaa ciidanka amaanku gurigiisa ugu daateen iyaga oo argagax galiyay dhamaan dadkii u dhawaa oo dhan,waxaana lagu soo waramayaa inuu hada ku xidhan yahay saldhiga magaalada boorama.
Dhawaana waxa ay ahayd markii ciidanka amaanka somaliland xabsiga dhigeen siyaasi Maxamed Abiib oo ka tirsanaa Xisbiga kulmiye kaas oo xukuumadu dhaliilo uu u jeediyay lagu xidhay.
Wixii warar ee ka soo kordha kala soco hadhwanaagnews