'' Warshad Suufiyaa Daaran , Waxaa Soo Socdaa Yaableh ( Hadraawi)''.

0
Thursday April 30, 2020 - 10:19:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Warshad Suufiyaa Daaran , Waxaa Soo Socdaa Yaableh ( Hadraawi)''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje


Dadaallada caafimaadka bulshada ee lagu xakameynayo cudurka faafa ee coronavirus waxay keeneen burburka dhaqaale ee ugu qasaaraha badnaa taariikhda diiwaangashan, dadaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo burburkaasina waxay ku lug yeesheen tijaabooyin aan horay loo arag oo ku saabsan siyaasada lacagta.

 

Haayadda Kaydka Federalka ee Mareykankuna waxay samaysy sagaal xidhmo daymeed oo cusub dadaalkooda ku aaddan sidii adduunka oo dhan loo gaarsiin lahaa doollar.

 

Iibsashada nooc kasta oo deyn gaar ahaaneed iyo mid dowladeed na waxay balaadhisay xaashida dheelitirka Febuary $ 4.1 tirilyan dabayaaqadii Febuary ilaa Aprila $ 6.5 tirilyan b.

 

Falanqeeyayaasha ayaana saadaaliyay in miisaaniyaddu ay ku socoto in ay gaadho $ 9 tiriliyan dhamaadka sanadkan taasoo macnaheedu yahay in Maraykanku halkii daqiiqaba kusoo daynayo hal milyan oo doolar suuqyada arintaas oo ah masiibo .

 

Si kastaba ha ahaatee , Khoboradda arritan ka faalootay ee dhaqaaluhu waxay leeyihiin jugta dhaqaale ee soo socotaa maahah mid horre loo arkay waligeed , dibna lagama yaabo in looga soo kabto, siyaasadihii dhaqaale iyo maamul ee aduunku ku socdayna sidoodii horre uma sii shaqayn doonaan .

 

Geesta kale , Xukuumadda Madaxwayne Trump ayaa qaaday talaabo ay ku codsanayso in xubinimadii goob-joogenimo ee Taiwan ku lahaan jirtay Haayadda WHO dib loosoo celiyo , arrintaas oo Paatrool kusii shubaysa khilaafkii Shiinaha iyo Maraykanka oo isna maraya halkii ugu xumayd , lagana yaabo in uu keeno in labada maroodi si xoogle dhawaan isu hirdiyaan ... Warshad suufiyaa daaran , waxa soo socdaa yaable , Hadraawi

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...