Siyaasiga Jaamac Shabeel Oo Sheegay In Madaxweyne Ku-xigeenku uu Xaq u leeyahay Murashaxa KULMIYE

0
Thursday April 30, 2020 - 08:58:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Jaamac Shabeel Oo Sheegay In Madaxweyne Ku-xigeenku uu Xaq u leeyahay Murashaxa KULMIYE

    Siyaasiga Jaamac Shabeel Oo Sheegay In Madaxweyne Ku-xigeenku uu Xaq u leeyahay Murashaxa KULMIYE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Jaamac Shabeel Oo Sheegay In Madaxweyne Ku-xigeenku uu Xaq u leeyahay Murashaxa KULMIYE

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyihii hore ee golaha dhexe Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), oo xilligana ka mid ah Siyaasiyiinta madaxa bannaan ee reer Somaliland, waxa uu markii ugu horraysay sheegay inaanay jirin cid kaga habboon Murashaxa jagadda Madaxweyne ee Xisbigaas KULMIYE innuu noqo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.



Jaamac Shabeel Oo Dhaliilay Baanka Dhexe Iyo Wasaaradda Ganacsiga ...

Jaamac Shabeel ayaa hadalkiisani waxa uu daba socdaa hadal uu maalintii shalay uu shaaciyay Madaxweyne ku-xigeenka Mudane, Cabdiraxmaan Saylici oo sheegay innuu u tartamaayo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga taladda haya ee KULMIYE marka la gaadho Shirweynaha Xisbigaas ee lagu doorto Murashaxa hoggaamin doonna.

Siyaasiga Jaamac Shabeel waxa uu sheegay in haddii uu Xilka Madaxweynenimo uu qaban lahaa Cabdiraxmaan Saylici uu kaga habboonaan lahaa Kornayl Biixiga hadda ku fadhiya Kursiga u sarreeya dalka,waxaanu tilmaamay in jaaniskaasi uu u bannaan yahay Mudane Cabdiraxmaan Saylici.

"Xaq buu u leeyahay Madaxweyne ku-xigeenku innuu isa sharaxo, khibrad badan buu u leeyahay hoggaaminta dalkan, toddobo sano waxa uu la fadhiyay Madaxweyne Siilaanyo oo uu Madaxweyne ku-xigeen u ahaa, imikanna Saddex sano ayuu Madaxweyne ku-xigeen ahaa waa 10 sano oo khibrad ayuu haystaa, waannu kaga habboonaan lahaa Madaxweynaha maanta jooga hadduu Xilka qaban lahaa Cabdiraxmaan Saylici." Ayuu yidhi Jaamac Shabeel oo u waramaayay telefishanka codka bariga Africa.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Soomaalilaand

Loading...
Loading...