Xukuumadda oo sheegtay in Kiisaska COVID-19 Ee Somaliland ay ka badan karraan tiradda la hayo

0
Thursday April 30, 2020 - 02:31:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo sheegtay in Kiisaska COVID-19 Ee Somaliland ay ka badan karraan tiradda la hayo

    Xukuumadda oo sheegtay in Kiisaska COVID-19 Ee Somaliland ay ka badan karraan tiradda la hayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda oo sheegtay in Kiisaska COVID-19 Ee Somaliland ay ka badan karraan tiradda la hayo

Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga caabuqa Covid-19 Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay In laga yaabo in Dadka Somaliland ku sugan ee qaba ama uu hayo Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid-19 ay tiradoodu ka badan tahay lixda Qof ee illaa hadda la shaaciyay.



Cabdiraxmaan-Saylici oo ka jawaabayey su’aal la xidhiidha in Dadka qaba xanuunka Covid-19 ee Somaliland joogaa ka badnaan karaan inta la shaaciyey oo uu waydiiyey Weriye Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka tirsan Telefiishanka Universal, ayaa yidhi, "Waa Suurto-gal (In Dadka Xanuunka Covid_19 hayaa ka badan yihiin Lixda la shaaciyey), Maaddaama oo aynaan samaynayn baadhitaan joogto ah.”

Dawladda Somaliland ayaa hore u shaacisay in Xanuunka laga helay oo la xaqiijiyey Dad tiradoodu dhan tahay 6 Qof, kuwaasi oo shalay Wasaaradda Caafimaadku sheegtay in saddex ka mid ahi ka bogsadeen.

Somaliland ayaan illaa hadda hawl-gelin Mishiin Hay’adda WHO ugu deeqday oo loogu talo-galay in lagu baadho xanuunka Covid_19, kaasi oo haddii la hawl-gelin lahaa si joogto ah loogu samayn lahaa Baadhitaanno Caafimaad, halka qofka imika laga shakiyo dheecaankiisa loo diro dalka Kenya.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...