Somaliland:- Tartamadii Kubada Cagta Ee Bisha Ramadaan Oo xukuumadu Ka Hadashay

0
Wednesday April 29, 2020 - 14:25:56 in News by
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:- Tartamadii Kubada Cagta Ee Bisha Ramadaan Oo xukuumadu Ka Hadashay

    Somaliland:- Tartamadii Kubada Cagta Ee Bisha Ramadaan Oo xukuumadu Ka Hadashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:- Tartamadii Kubada Cagta Ee Bisha Ramadaan Oo xukuumadu Ka Hadashay


Hargeysa(HWN):-Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somalilnd Maxamed C/laahi Siciid Khaawi, oo ka hadlay tartanada ciyaaraha ee la joojiyey bisha barakaysan ee RaMadaan.




Agaasimaha guud waxa uu sheegay in iyadoo la fulinaayo awaamiirtii ka soo baxday guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga xannuunka Korona Fayras ay joojiyeen tartannadii ciyaaraha ee Kubadda Cagta ee la qaban jiray bisha Ramadaan, taasna ay dani ugu jirto badqaabka dhalinyarada iyo bulshada Somaliland madaama uu si xawli ah u faafayo cudurka Korona Fayras.


Waxa kale, oo uu sheegay in ay jiraan garoomo dhalinyaradu si qarsoodi ah ugu ciyaaraan oo ku kalayaala xaafadaha kala duwan ee Hargeysa iyo gobollada kale ee dalka, isagoo ugu baaqay dhalinyarada falalkaasi sameeya inay ka shaqeeyaan badqabka dadkooda iyo naftoodaba.


Gabogabadii agaasimaha guud ee wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Siciid C/laahi Khaawi, waxa uu tilmaamay in mulkiilayaasha garoonadu ka xidhanyihiin ay la mid yihiin meelo badan oo dalka ah oo laga joojiyey in bulshadu ku kulmaan, taasina tahay mid bulshada lagu bad-baadinaayo, balse aanay ahayn mid cid gaar ah loola jeedo in ganacsigeeda lagu xidho.

Loading...
Loading...