Boorama Oo Ka Mid Noqotay Magaalooyinka Jaadka Lagu Gubayo

0
Wednesday April 29, 2020 - 14:12:56 in News by
  • Visits: 1420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boorama Oo Ka Mid Noqotay Magaalooyinka Jaadka Lagu Gubayo

    Boorama Oo Ka Mid Noqotay Magaalooyinka Jaadka Lagu Gubayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama Oo Ka Mid Noqotay Magaalooyinka Jaadka Lagu Gubayo


Hargeysa(HWN):-Hawl gal ay si wada jira Uga fuliyeen Cidamada Booliska iyo kuwa Qaranka oo ay ka sameeyeen xuduuda Somaliland iyo Itoobiya Ee Xarunta Gobolka Awdal lagu soo qabtay sadex gaadhi iyo sideed eedaysane sharcigana la horgayn doono iyada oo la fulinaayo awaamiirta gudida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaar garawga Coved-19.




Maayirka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa bulshada Awdal ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ka hortagga Coronavirus, go’aanka qaadka lagu joojiyayna uu yahay mid heer qaran ah loona baahanyahay in laga nasto bisha rabadaan.


Guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali, ayaa sheegay in meel kasta oo la isaga gudbayo xadka Awdal la wadaagto Itoobiya Ciidamo la geeyay talaabo adagna laga qaadayo cid kasta oo falkaasi ku kacda, waxaanu u mahad naqay ciidamada kala duwan ee ka hawlgalay iyo Masuuliyiinta degmooyinka Dila iyo Qulu-jeed oo ka qayb qaatay sidii qaadkaasi loo soo qaban lahaa.

Loading...
Loading...