Askarigii Ugu Horeeyey Ee Ka Tirsan Ciidamada Amisom Oo Laga Helay Covid-19

0
Wednesday April 29, 2020 - 12:40:10 in News by
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askarigii Ugu Horeeyey Ee Ka Tirsan Ciidamada Amisom Oo Laga Helay Covid-19

    Askarigii Ugu Horeeyey Ee Ka Tirsan Ciidamada Amisom Oo Laga Helay Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askarigii Ugu Horeeyey Ee Ka Tirsan Ciidamada Amisom Oo Laga Helay Covid-19


Askari ka tirsan ciidamada midowga Afrika ee AMISOM oo ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in laga helay cudurka Coronavirus.

Is this the right time to downsize AMISOM? - ISS Africa


Askarigan ayaa noqday kii ugu horeeyey oo ka tirsan AMISOM oo laga helay cudurka COVID-19, waxuuna u dhashay dalka Uganda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan AMISOM.


Askarigaas ayaa ka howlgalayey dekedda magaalada Muqdisho oo dhaq-dhaqaaqeedu badan yahay.


Sida aan ku helnay xogta askarigan kama bixin Soomaaliya mudo lix bilood ah, waxaana la aaminsan yahay in cudurkaas uu ku dhacay intii uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya.


Ilo ka titrsan AMISOM oo diiday in magacooda la sheego ayaa intaasi ku daray in howlagalka AMISOM uu qaaday tallaabooyin caafimaad oo looga hor tegayo cudurka Coronavirus.


AMISOM ayaa xarumaha ciidamadeeda ka dhaqangelisay wacyigelin joogto ah, goobo karaantiil iyo goobo lagu faraxasho, si loo dhowro badqabka ciidanka.


Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga diiwaan-geliyey 528 kiis oo COVID-19 ah, dhimashada ayaa gaartay 28 qof, halka 19 qof oo kalena ay kasoo bogsatay, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka.

Loading...
Loading...